Cuntooyin Muhiim U Ah Gabadha Uurka Leh Inay Badsato

Hooyada uurka leh oo qaadata cunooyinka wanaagsan, waxaa arrintaasi ay uwanaagsan tahay ilmaha uurka ku jira, sidaasi waxaa muujisay daraasad ay soo saareen seynisyahano ka tirsan Ururka Midowga Yurub.
Seynisyahanadaan ayaa waxaa ay sheegeen sidaasi si la mid ah, in caruurta uurka ku jirta dhibaato ay soo gaadhi karto taasoo ka dhalan karta hadii raashiin aan loo baahneyn ay qaadato hooyada.
Seynisyahanadan ayaa sidoo kale waxay tilmaameen in koriinka ilmaha uurka kujira iyo caafimaad qabkiisuba ay ku xidhan tahay xananeyta hooyada iyo waxyaabaha ay qaadato.
Dhanka kale, war bixin hore  ayaa dhakhaatiir kasoo jeeda Norway, ayaa tilmamaysaysa cunooyinka aan nafaqada lahayn iskuna dheeli tirnayn inay u keeni karaan hooyada uurka leh wadna garaac, mashaakil ku yimaada ilmaha uurka ku jira iyo mustaqbalkooda dhibaato in ay la kulmaan.
Cilmi barayaashan ayaa waxaa ay ku taliyeen hooyada uurka leh in ay qaadato cunooyinka ay ka mid yihiin: Kalluunka, baradhada macaankhudaarta cagaaran, liinta Bambelmada, digirta, Yogurt-ka dufanku ku yaryahay Iyo Ukunta
Haweenka xilliga ay uurka leeyihiin kalluunka cuna ayaa la oggaaday inay u dhaw yihiin inay dhalaan ilmo maskax badan oo bulshaawi ah.
Waxa daraasadani shaacisay in dumarka aad u isticmaala subaga noocyada kala duwan ee kalluunka sida Tuna, Sardines iyo Salmon inay dhalaan carruur maskaxdoodu aad u horumarsan tahay oo aad u caqli badan.

No comments:

Post a Comment

@templatesyard

© All rights are reserved.