Waa Axad Axadaha ka suntan. Taarka salaada hore dhacayaa
waa wargalinta geerida wiil yar oo aan
labaatan jirsan, wadka ayuu la taclayey in mudo ahba. Fiix/ buro(Cyst) ayaa
madax ( maskaxda ka soo baxday) ragaadisayna dhammaan dareen gudbiyaashii
maskaxda. Mustaqablkiisa oo ifaya ayuu indha beelay. Muddo 5 sanno ku qiyaasan
ayaa in ka badan boqol dhakhatar oo waddanka gudihiisa ah la mariyey se in
madaxa fiixi kaga taalo marnaba looma sheegin. Markii xaalkisii adkaadaya yaa
dalka Turkiga la keenay. Diktoorkii waxa uu ku wargaliyey in qaliinka uugalaya yahay mid aad u culus, xitaa haddii uu ku
guulaysto inuu burada meesha ka saaro marnaba
aanu aragii soo noqon doonin. Diktoorkii
waxa yidhi waa lala habsaamay haddii imika ka hor wax laga qaban lahaa xaalku
sidan muu ahaadeen. Saddex cisho ka hor ayuu qallinkii labaad galay, saddexdii
cishaba koomo (Miyirdoorsanaa)
ayuu ku jiray.
Aniga oo ilinta isku xejinaya ayaan la hadalay qoyskiisi
una sheegay in ay cisbitaalka tagaan. Ma waxbaa dhacay ayuu walaalkii oo
telefoonka iga qabtay igu yidhi. Maya’e diktoorka ayaa in uu idinla hadlo doonaya
ayaan ku soo koobay hadalkii. Haddii adeegyada caafimaad ee waddanka lagu bixiyaa
ay ahaan lahaayeen kuwo tayo leh in aanu xaalku sidan ahaadeen ayaan
sawirtay. Hawl maalmeedkaygii kale ayaan
iska sii watay. Maalinta aan guriga joogo waxa caaddo ii ah inaan dhagaysto
heesihii alle ha u naxariistee Maxamed Moogee.
Waxa ii baxaysa heestii ; Aniga hawlahaagii iimaad hambayn,
ereyadeedana ay ka mid ahaayeen” Adoo
haraaddanoo biyo haysanoo ku habaabay oomane, Hogoli meel dheer hadday ka hoortoo, hadday ka hortoo. Ahaa Hammo waxay
tidhaahdaa yaa yareer fadhiistee”. Kamankii
Xudayda iyo codkii lagdanaa haddan luxdanaa ee M.Mooge ayaa mar
qudha maankayga qaaday waxa aan is arkay aniga oo isla maqan. Waxa aan sidaa u
eegay xaalka guud ee Soomaalida kuwa waddankii jooga iyo kuwa dibada joogaba. Dagaallada, colaaddaaha, caddaal-darada,
cudurrada iyo caqli xumada ku habsatay guud ahaan gayigii ummaddi Soomaliyeed
halka ay doonanba ha daganaadaane. Innay
haraadeen oo ay oomane ku habaabeen ma shaki ayaa ku jira ayaan naftayda
weydiiyey”
Cod ayaa meel aan sidaa iiga dheerayn ka baxay oohin iyo
qosola ayaan u kala saari waayey heestii ayaan yara gaabiyey si aan codka u
dhugto, haddana mar kaliya ayuu codkii go’ay. Heestii iyo fikirkii ayaan iska
sii watay. Guriga waxa joogtay hooyo waddankan in muddo ah joogtay.
Madbakha oo ahayd halkii aan ku jiray ayey afaafkiisa
soo joogsatay lacag baanay ii soo fidisay”
Eddo hoo lacagtan qaada oo waxa innoogu soo iibi ayey tidhi” ilinta ayey isku
celinaysaa, codkeedan hiinraag ayaad ka deeramaysaa. Naxay oo maxaa dhacay
idhi’.
Iimay jawaabin qolkii ay ka soo baxday ayey dib ugu
laabtay, anna kama an hadhin’e soo daba cararay. Eddo ii sheeg oo maxaa dhacaya ayaan haddan aniga
oo wali daba socoda idhi.
Iyada : Eddo reerkaygii ayaa madhay.
Aniga : Bisinka,
eddo ma hooyo ayaa dhimatay mise reerkii ayuu gaadhi galay.
Iyada : reerkaygii waa la madhiyey oo midh kama hadhin.
Reerkii na layn jiraya ayaa na laayey oo gam naga siiyey. Awalba waa ay na layn
jireen oo waanu iska difaaci jirnay maanta’se dawladdii ayaa noo soo raacday oo
cagta na marisay.
Waan sasay waxaan ku hadlo iyo waxaan ku dhaqaaqo toona garan waayey, inaan aamusiyo una sheego in
kuwa wax dilaya iyo kuwa la dilayaba ay qaldan yihiin ayaan isku dayey.
Nafteeda in ay haligto ayey ku dhawaatay, fadhiisiyey biyana ula soo cararay.
Dhar ayey degdeg u xidhatay waxaana ay u tafo xaydatay
sidii ay u tagi lahayd guri reer ay qaraabo yihiin deganaayeen. Qofkan dawakhsan
ee is daba marsan inaan sii daayaa ilamay qumanaanin. Inaad sidan ku baxdaa waa khatare ama tagsi
qaado ama aan Aamin kuugu yeedhee i sug
ayaan idhi . Mayee waan iska tagi karaa oo waan fiicanahay Aamin la hadal oo suuqa iskugu keen keen ku dheh ayey
tidhi. Maalinkaa iyo maalmihii ka dambeyeyba si ayaan ahaa. In qof qof kale qudhiisa jaro
isaga oo aano ka tirsanaya fool xumadeeda ayaa sida dhimbiisha uga holcaysay.
Waagii markii uu baryey ayaan dhankii shaqada u
kabogashaday, gaadhay goobtii shaqada oo ahayd cisbitaal, salaan iyo bariido ka
dib halkii hawlahaygu ka bilaabmayeen ayaan u dhaqaaqay. Cisbitaalku waa
cisbitaal weyn oo gaar loo leeyahay, tartanka caalamiga ah ee cisbitaalada
adduunkan kaalin weyn ayuu kaga jiraa. Dakhli fiican ayuu soo xareeyaa shaqaale
badanina waa ay ka hawl galaan. Dadka
adeegyada caafimaad ee ugu badan looga fuliyaa waxa ay u badan yihiin
Soomaali. Bilaha qaar dakhliga u badani iyaga (Soomalida) ayuu ka soo
xaroodaa. Dagaal ayaa shalay Soomaliya
ka dhacay oo laba qabiil ayaa is dilay sow maha” ayuu kaaliye ku xigeenka
xidhiidhka caalamiga ah ee cisbitaalku i weydiyey”. Maya dagaal ma uu dhicine
waa xurguf fudud oo laba qabiil dhex martay ayaan ku idhi, anigoo runta baalka
saaraya. ”waxay doonto ha ahaatee waan aqaanaayoo kolay dhaawaca Hindiya ayaa
loo dirayeye bal isku day inaad ogaato halka ay gaynayaan, haddii qaar ka mid
ah aad la xidhiidh kartan u sheeg in saddex qof haddii ay noo keenan hal ka mid
aanu bilaash ku dawyn doonno”. Mar
kaliya ayuu muuqaalkaygii is bedelay, wajigayga ayuu ka dheehday in hadalka uu
igu yidh aan aad uga xumaaday. “Anigu dagaalka ka oogay ma ihi, kii koowad iyo
kii labaad toona maha kani ayuu yidhi, sababta aan sidan kuu leeyahay waxa
weeyan aynu innaguna lacagta qaadano iyaguna caafimaadkooda dib ha u helaan ee
igama ah inaan ku faraxsanahay waxa Soomaaliya ka dhacay, waad ogtahay oo imika
waxa aynu dawaynayanaa Abshir iyo inanka uu adeerka u yahay oo gaadhigii ay ku jireen lagu rasaaseeyey,
labaduba waxa ay inoo yimadeen iyaga oo
sidii maydka loo sido laakiin waa kuwaa maanta soconaya ee cagahooda ku
dhaqaaqaya.
Abshir iyo wiilka uu adeer u yahay waa laba wiil oo
Soomali ah gaar ahaan Soomalida Itoobiya, gaadhi ay saarnaayeen iyaga iyo ehelkoodu
ayaa reer ay aano hore ka dhaxayso rasaas ooda kaga qaadeen. Lix
nin oo gaadhiga saarnaa ayaa saddex markiiba go’een saddexna iyaga oo naf ka
eega cisbitaal halkii ugu dhawaa loola cararay. Dhacdada kadib waxa la geeyey
Adiis halkaas oo qaliin lacag badani ku baxday loogu sameeyey. Maadaama oo
xubno jidhka aad ugu muhiiim ah ay
meesha ka baxeen waxa loo sheegay in ay u baahan yihiin in loo sameeyo qaliimo
ka sii culculus kuwan ay hadda galeen ayna tahay inay caafimaad dibadeed oo ka
tayo badan ka halkan raadsadaan. Sidaas ayey cisbitaalkan iyo
waddanka Turkiga ku yimaaden. Mid lug ayey xabadu goysay midna dhabarka inta ay
ka gashay ayey macdanta iyo xubnaha tarankaba tirtay. Laba qol oo isku xiga
ayey ku jiraan. Cabaad iyo sakaraadba way u dhammaadeen calool xumana warkeeda daa.
Mar kasta oo aanu soo marno dhakhtarada iyo kalkaalisooyinku dadkan waxa sidan
u galay ayey na weydiiyaan laakiin in aanu jawaab waafi ah siinaa waa wax nagu
adag. Abshir waa qof weyn oo ilaa kontan sanno ku dhow wiilka uu adeerka u yahay
se waa wiil yar oo dhalinyaro ah. Waxa igu maqaal ah in uu dhawaan guursaday
wax awlaad ahna uu laba wiil leeyahay. Waxa uu aad u sugayaa maalinta uu bogsan
doono ee inta uu labadiisa lugood ku talaabsado qoriga dagta ka saari doono.
Maalintaas waxay u noqon doontaa maalin maalmaha kale uga suntan. Hammigiisu
maha uun in uu aarsado oo kuwii isaga sidan u galay uun laayo’e hammigiisu waa
in uu ciddi xiniinyo tirtay ee ifka ku goblamisay madhiyaa oo aanu midh ka
reebin. Wakhtiga ayuu tiriyaa. Maalintii la is taajiyey ee loo bilaabay in lagu
socodsiiyo lug macmala oo loo sameeyey
farxada wajigiisa ku dheehnayd jannadii in loogu bushaareeyey ayaad moodaysay. Kalkaaliyayaashii
caawinayey waxa ay moodayeen in uu ku faraxsan yahay in uu dib u socoday waxase
uu ku faraxsanaa in maalmo koobani ay ka hadheen inuu daadiyo dhigii cadawgiisa. Abshir iyo wiilkiisu riyada iyo rajada kaliya
ee ay leeyihiin waa in ay tiro badan ka dhawaacan, ka curyaamiyaan qaar badan
oo reer Qansax ka mid ahna qudha dhaafiyaan. Waxa loo dawaynayaa ee sidii
geenyo lagu dagaal galayo looguna naaxinayaa waa in ay shaqadaa sida ay tahay u
qabtaan marka ay caafimaadaan. Guud ahaan qarashka daweynta reerkooda ayaa
bixiya oo lacag qaadhaan ah oo dadka laga soo ururiyey ayaa lagu daweeyaa. Cajalad
ayaa halkan uga daaraan, waa cajalad ku salaysan in reerkiinii shalay weereray
reer Qansax oo shan ka mid ah dilay. Rabbi waxa ay habeen iyo maalin ka tuugayaan
in aanu nafta ammaanada ah ka qaadin
inta aanay qaar badan oo reer Qansax ka mid qudha dhaafin. Sidii uu waxshi (
waxshi ibnu Xarbi ) ugu dhaarsanaa in Xamse binu cali (Radiyallahu) dilo ayey
qaarkood madaxda iyo duqayda reer Qansax ugu dhaarsan yihiin. Maankooda cajalada aarsiga ayuunba ka daaran,
waxa dhif iyo naadir ah inay si kale u fikiraan, in ay adduunka daaqad aan
daaqada colaadda iyo cadaawada mooye mid kale ka eegan ayaa ah waxa aan sinaba
u dhicin. Marka la istaajiyo ee uu daaqada ka arko daaraha dhaadheer, calanka
cirka lagu takhlay ee samada ka babanaya, wadooyinkaa waayeyn iyo dhirka sida
bilicdasan loo beeray, dadka sida edebta iyo ixtiraamka leh isku dhaafaya ayuu
amakaagaa oo yidhaahdaa maxaa tolow annaga dib u dhaca iyo darxumada noogu
wacan. Isaga ayaa isku jaawab oo yidhaa waa dawlad la’aanta, haddii ay dawladdi
jiri lahayd sow barwaaqo iyo nolol maanu durduuraneen. Dawladdu
waayo? Dawladdu miyaanay dadka ahayn, dadkii haddii ay aano iyo aarsi ku
dhammaadeen yaa dawlad noqon?
Xoriyadda iyo u madax
banaanaanta waxaaad aaminsan tahay ayaaba qalad ah, saaxiibka haddii uu qof
neceb yahay inaad nacdo waad ku qasban tahay sidaas haddii aad samayn weydana saaxiibtinamadiina ayaa qirinqiir ku jirta.
Haddii uu jiro fikir aad adigu aaminsan tahay oo dadka kale ka soo horjeedaan
waa inaad laabtada ku qarsataa oo aanad cidna kala hadal, haddiiba lagu arko
adiga oo aan jeclayn waxa ay jecel yihiina waa ay kula yaabayaan oo waxa ay iska
weydiinayaan maxaa kugu dhacay ee ummaddaad ka dhex saaray?.
Xaalku wali ma dagana warmaha ayaa la isku afaysanayaa, qaar
dadka ka mid ahina farxad iyo damaashaad ayey ku jiraan ka dib markii
hogaamiyihii uu meel aan looga baahnayn booqasho aanu baadhaadhe ka keenin ku
tagay, sawiro nin aan adduunka laga mahadin ayaa goobo magaalada ka mid ah laga taagay. Maalintii uu soo guryo
noqonayeyna calamo iyo caleemo qoyan ayaa la hor lulay. Inuu gafay oo hanti
ummaddu leedahay meel aan macno lahayn ku soo lumiyey muu garwaaqsan guulwade
ayuu isku arkoo markaasu garabaha gundhiyey.
Maalintii xigtay ayaa barri qalaalase iyo mudaharaad laga
soo sheegay. Dadku waa ay wada hubaysan yihiin, tolow yaa hubka siiyey?
Ummaddii waa in dhibtii ay iyagu gaysteen cid kale guudka iyo gurada ka saaray
iyo in baraha bulshada dhimbiisha iyo dhamacda qabyaaladda ka hurinaysa oo leh maanta ayaanu heeryadii dulmiga
tuurnay, dagaal ayaanu diyaar u nahay xitaa haddii aanu midhi naga hadhi
doonin. In kale ayaa halkan ka leh waa in la heshiisiyaa beelaha walaalaha ah
ee la isku dirayo. Dadka tolow yaa isku diraya? yaa shaqo aan isku dirkood
ahayn uun haya oo camal beelay? Doqoniimadu ugu darani waa marka xumaha aad adigu
gaysatay aad cid kale u tiriso.
Marka halaq iyo abeeso ku haliigaan oo suntu ku madax
marto ilayn dhuuni kuuma dhadhamo oo hurdo kama dhugatid. Hadalkasta oo aan
maqlo iyo fariin kasta oo aan akhristaa waxa ay noqotay mid i dhibaysa. Waxa
aan gaadhay heer wax kasta oo xun aan sugo wanaagna aan ka quusto.
Usbuucani daba dheeraa oo anfariir iyo amuuro badanaa!
Dihaal iyo daal igu raagay ayaa oogadayda ka muuqda meel magaalada koone ka ha
ayaan tagnay galabnimadkii si aanu hawlo yar yar u soo fulinno. xilligu
waa Xagaa oo sida looga bartay kul ayaa
la sugaya laakiin haddan galabata laydh yar oo aad u qabow ayaa dhacaysa,
yeelkeede gaadhigii meeshii aannu u jihaysanayn u socoday ayaanu isku tuurnay
kabta ayaannu soo ilanay markii aannu dantayadii soo fushanay. Dabka oo iga dhacay awgeed muddo saddex
sacadood ku beegan maan galin baraha bulshada oo ah halka lagu kala warqaato.
Haddiiba aan gurigii imid ayaa la igu wargaliyey in qof qaali ahi dhintay. Car
garo gabadh caan ah ayaa dhimatee ayey inan hablihii guriga joogay ka mid ahi
igu tidhi” Naa walaal ma garanayee ii sheeg ayaan idhi” in yar kadib ayey tidhi
Hodan Naaleeye ayaa dhimatay. Waa naxay wixii aan cunayey ayaana deg deg uga
kacay ”Naa walaal malaha maydhimane bal hubso ayaan idhi”. Yaqiintii ayaa iga
luntay waan kacaa fadhiistay. Shakhsiyadeedii wanaagsanayd iyo dhoolacadaynteedii
ayaa maankayga iyo miyirkaygaba ka bixi waydey. Degdeg ayaan gogosha u
beegsaday, habeenkii oo dhanna in aanu
warkii run noqon ayaan ku riyoonayey’se may dhicin oo dhab ayey noqotay in
iyada iyo saygeedii oo ay dhawaan is guursadeen ay ku dhinteen qarax lala
beegsaday hudheel ku yaala magaalada Kismaayo.
Adduun hawli kama dhammaatee dhiilada dhimashadii Hodan
ayaa wali shidaysa qalbigayga, ilaa
goorma ayaa lagu jirayaa in qof qudhiisa la gooyo, ilaa goorma ayaa lagu
jirayaa in xiddig qurux badan oo samada ka ifiysa la bakhtiiyo oo dambas iyo
digo laga tago ayaan naftaydu is weydiinaysaa?
Dhagaysiga gabayada iyo heesaha qaraanmiga iyo daawashada
ruwaaydihii hore waa halka kaliya ee aan
ka bogto dhaqankii wanaagsanaa ee dadka Soomaalidu ay lahaayeen inta aanay
fasaqmin, waa halka kaliya ee aan ka kordhsado aqoonta ku saabasan deegaanka iyo
afkaba , habeenkaa waxa aad iigu mudanayd inaan akhristo ruwaayadii Shabeel Naagood
ee uu alifay macallinkii iyo abwaankii waynaaa ee Xasan Sheekh Muumin oo markii
aan dugsiga hoose dhexe ku jiray aan kala socon jiray idaacada Raadyow Hargaysa.
Baadhay iyada oo qoron iyo iyada oo muuqal daawasho ahba waanse waayey. Waxa
aan ka heley Amazon iyada oo loo turjuma afka Ingriisiga loona bixiyey ”Leopard
among the women” laguna gadayo lacag qiimaheedu dhan yahay 500$. Dhawr qof oo aan garanayey kana mid aha
dadka akhriska xiiseeya ayaan weydiiyey
bal in ay hayaan waxa ku saabasan ruwayadii Shabeel Naagood. Qof ayaa isoo
diray ciwaan aan ka dheehan karo iyada oo cod ah se aan lahayn muuqaal. Go’aansaday inaan dhagayasto oo aan u
jeedadeeda dhuuxo. Meel cidla ah ayaan la fadhiistay dhagaystayna oo dhammaystay,
ruwaayaddu waxayaabo badan ayey ka hadlaysay oo ay ugu muhiimsanayd aqoontu,
barashada afka hooyo iyo waliba ixtiraamka iyo daryeelka haweenku. Waxa aad ka
dheehan karaysay sida ay nolosha dadku u
wanaagsanayd iyo sida ay kala duwaanasha
u aqbalayeen. Fannaanin waaweyn oo intooda badan ay mootan yihiin ayaa jilayey
(Allah ha unaxariisto idilkoode). Soomaali badan oo deegaanno kala duwan ka
timid ayaa ku jiray. Habeenkaa waxa igu dhalatay in Shabeel naagood aan qoro oo
aqoonta ku duugan aan ubadkayga iyo
ubadka kalaba uga faa’iideeyo .
Saacadda ayaan eegay mise saddexdii habeennimo ayey ku
dhawdahay, dhankaa iyo gogosha ayaan u soo kicitimay aniga oo iska dhawraya in
an shanqadh sameeyo. Dhinacaba dhulka inta anaan dhigin ayaan gam’ay. Caano maalkii xiggay waxa cisbitaalka iigu timid gabadh booqasho ugu timid qof bukaan
ah. Agtayda iyada oo maraysa ayuu telefoon ku soo dhacay wadasheekaysigoodina
sidan ayuu u dhacay.
“Alle ha inaga yeelo kuwa markasta gacan
sareeya, Alle cadowga ha inooga hiiliyo, Alle guusha ha ina hantisiiyo oo
cadowgeena ha jabiyo, geesi ayaad tahay, la’aantaa reerkeennu si uu noqon lahaa
mooyi, inaadeer xoogaa lacag ah oo aniga iyo ina hebel aanu isku soo darnay
ayaan ku soo dirayaaye adigu farsamee oo hadba meeshii looga baahan yahay ku
gufee, waxaad iiga warantaa wiilashii yar yaraa ee xabsiga dhexe lagu soo
xidhxidhay iyagana xaalkoodii muxuu noqday”?
Wixii uu xaalkoodii noqday looga waran sheekadiina soo gabogabowday.
Halkii aan taganaa ayaan ka dhaqaaqi kari waayey, lugaha ayaa dhulka la iigu
musbaaray. Gabadha hadlayaana meel aan sidaa iiga fogayn ayey ka tagantahay, waxa aan diiday inaan is tuso oo
aan ka nixiyo amase ay moodo inaan maqlayey hadlakeeda . Rubuc saac ka dib
ayaan baxay waxaanse la kulmay waxa aan ka yaxyaxay, oo ah in meel aan sidaa
uga dheerayn ay fadhiyaan dad Soomali ah oo cid walbe lihi, sheekadan ay si
fiican u maqlayaan. Waxa aan liqi waaye in qof lacag udiro si qof kale naftii
loo gooyo iyo inuu dagaal guubaabiyo
isaga oo aan cidna ka xishoonayn”. Dhulka ayaa igu yaraaday neefsashadiina waa
ay igu adkaatay, daaqadda ayaan degdeg u furay si aan hawo nadiif ah uga
neefsado”. Maalin kale oo ciil iyo caloolyow ku bilaabantay ayey noqotay. Sidee ayaad dad is dilaya lacag ugu ururisaa,
sidee ayaad adiga oo qurbe jooga dagaal uga hurisaa ban cidla ah, sideed’se aad
u noqota dilaa qarsoon?
Anigoo taa la yaaban ayaa waxa fariin iiga timid nin
Turki ah oo jecel in uu caawiyo dadka an waxba haysan. Waxa iskaayo bartay
gabadh aannu saaxibo nahay oo ay iska barteen mareeg afafka laga barto. Dhawr
qof oo aan awoodin in ay waddanka wax ka bartaan duruufo maaliyadeed awgeed
ayuu lacagta waxbarashada ka bixiyaa.
Fariin ayuu isoo qoray uu leeyahay miyaad soo toostay.
Haaddiiba aan haa idhi iyo gaaraacii telefonka ayaa wada socoday.
Ahmet (Ahmed):
Selama alaykuma walaalo, sidee tahay?
Aniga: Calaykuma salaam, waan fiicanahay walaaalo ee
adigu iska waran? sidee tahay adigu?
Ahmet: waan fiicanahay, alle xamdi ha u sugnaado, maanta
waa fasax ayaan ahay, barandaha yaan iska fadhiyoo waxa aan idhi bal garaac
Nasra oo waxa ay qabanayso weydii?
Aniga: Waan fiicanahay, anigu waan shaqaynayaa maanta.
Ahmet: Haa gartay,
waxa soo dhow ciidii carafo. Aniga iyo dhawr qof kale ayaa doonaya in aannu
lacag isku soo darno oo aannu lacagta odxada u dirno waddankiinii maadaama oo
aanay halkan joogin dad badan oo aad ugu baahan odxadu. Dadka halkan joogaa
maaha dad gaajo u dhimanaya, sadaqaduna waxa ay ku baxdaa meesha looga baahan
yahay, kuwa halkan joogaa haddii aannu siinno waxa ay ka dhigan tahay uun aniga
oo qof wax haysta waxa ugu daray. Adduunka maanta dad badan oo abaaro iyo dagaallo
ku dheceen ayaa jiraa, haddii aan helayo cid aan ugu dhiibo waxa aan u diri
lahaa Nayjeeriya se cidna kama aqaano, ururada ururiya sakadan kuma kalsooni.
Soomalidan adiga iyo Rooda oo waxnool ah ayaan ka aqanaa markaa isku day inaad
soo hesho dad u baahan oo aynnu lacagaa ugu odxayn karno. Anigu waxba kama rabo
waxa kaliya ee aan ka cabsanayaa ayaa ah in maalinta qiyaame la yidhaa dad ayaa
gaajo u dhintay intaad idinku dharag u dhimanayseen.
Mar kaliya ayey oogadayda
jidhiidhico buuxisay, tin kasta oo guudkayga ku taalay waxa ay noqotay sidii qodax, ilinta ayaan ceshan kari waayey.
Waxa an is barbar dhigay dadkii saaka lacagta iskugu dardarayey si ubad loo
agoomeeyo, dumarna carmal looga dhigo, wiil loo walaal tiro, hooyana loo hooji,
dhiig qubo aano aan waligeed hadhina loo abuuro iyo qof aan ku aqoonin oo ay
dhibayso gaajada ku haysaa.
Qof aan aqoon kuu
lahayn ayaa diiday inaad gaajo iyo silic u dhimato sidee ayaad adigu u
ogolaataa in abtigaa aad silic iyo saxariir bado, sidee ayaad qofkii dad kuugu
dhawaa dhiigiisa u qubtaa, sidee ayaad dagaal huriyo arliga guba u noqotaa.
Waliba Ilaahay uga baridaa in uu ku guuleeyo oo reerkiina libinta siiyo.
Sidee ayaad qof wanaag mooyee aan xumo ka shaqayn adiga
oo shaadhka diinta ku gabanaya ajashiisa u goysaa? Sidee ayaa adiga dulmi iyo dumin wada aad midnimo ugu dagaalantaaa?
Waa ummadd habowday oo majarihii nolosha ka luntay, waa
umadda dhac iyo dil lagu barbaariyey, waa dad iyaga oo aan dabka sidii looga
baydhi lahaa la barin abtirsiin iyo qabiil lagu ababiyey. Waa ummad quudhsiga
iyo is qadarin la’aantu ay yihiin
qaayaha ugu sareeya ee ay qiimeeyaan.
Waa qoom dhintoo qalfoof ahaan u duljooga qaaraddaha
adduunkee.!!!!
No comments:
Post a Comment