BARBAARSAME; Hagida iyo Hannuuninta Ubadka. Q3aad







Ku barbaari kalgacal iyo ixtiraam.

Bulshadeenna kalgacalka iyo muxubadu aad ayey liidataa, waxa aynu aaminsanahay in aynu is wada jecelnahay kalgacalna laabta iskugu hayno laakiin haddi aan jacaylka la isku soo ban dhigin oo aan la isku muujin muxuu qiimo leeyahay.
Si aynu u helno bulsho is jecel oo dhexdeeda kalgacayl dhex yaalo waa in aynu kalgacaylka ka so bilowno qoyska. Waalid waa inaad u sheegtaa ilmaaga inaad jeceshahay oo dhegihiisa maqashiisaa, waa inaad ugu muujisaa qaab dareen jidh istaabsiin ah(body contact) waa inaad dhunkataa ilmaahaaga, waa inaad laabta ku qabtaa oo aad tustaa kalgacaylka dhabta ah ee aad u hayso.
 Kalgacaylku iyo baahinta maxabadu waa wax aad u qiimo badan, haseyeeshee ay  yar tahay dadka inta  hantida ee gacanta ku dhigtaa.  U muuji kalgacaylka aad u haysto ilmaagaa, uguna muuji qaab kasta oo aad awooddo ha haato inaad u samayso waxa uu jecel yahay. haddii aad caruur dhawr ah haysto mid si gaar ha u jecelaan wax aan kuwa kale u keenin ha u keenin, waayo tani waxa ay keeni kartaa hinaas ka dhexsha carruurta, iskuna day inaad markasta waxa isku mid ah u keento si isku mid ahna u jecelaato. U sheeg ilaahaagu in uuu qurux badan yahay, u sheeg in uu maskax badan yahay, u sheeg markasta oo wax aad farto uu raacna in ka sii wanaagsanaanayo, ha ilaabin inad fuliso balaqaadaydii aad u qaaday si aad uga ilaaliso niyad jabka, hana u qaadin balan qaadiyo aanad fulin karin. Ku barbaari in ay ixtiraaman dadka waaweyn oo aanay dhibaato amase aflagaado u gaysan.
Ugu yeedh magacay ammaani ku dheehan tahay, mid kasta oo carruurtad ka mid u bixi magac aan ahayn kan caadiga ah ee aad ugu yeedha kaaso oo aad ku aamanayso amase aad ku tusayso wanaag uu dher yahay ubadka kale “ sida khadar dhaan, Saxarla, Ceebla, Shankaroon, Dhool, I.W.M”. Wiilashan kuwa sidaas oo kala ah ha hilaamin inaad ugu yeedho “ Amiin, “ . iska jir inaad ilmahag ugu yeedho magaca uu ka xanaaqayo hana  ka raali noqon in qof kale oo guriga joogaa uu sidaa sameeyo, ama carruurtuba ay iskugu yeedhaan magacayada waayo magaca xumi maskada iyo shakhasiyada ilmaha saamayn weyn oo togan(negative ) ayey ku yeeshaan ilaa uu marka dambe isku qaato ilmuhu in uu yahay waxaa loogu yeedhayo.
Tusaale; wiil ayaa Cabaadde loogu yeedhi jiray yaraantisi oohin badnidiisa  awgeed.magacan xun ee qalfsani wax auu wiilkii ka dhigay mid dhabtii aaminay in uu yahay doqon oohin badan, ilaa uu aakhirkii marka magacisa la weydiiyo odhan jiray “ waxa la i yidhaa  Cabaadde” uuna ilaaway magacisii caadiga ahaa, sidaas darteed waa in aynaan ogolaanin in carruurteen loo bixiyo magacayo xun xun meel kasta ha ahaato, ogowna marka aynu guriga  ka tirtiro isagu yeedhida magacayda xun xuna ayeynu  bulshada dhexdeedna ka tirtir karnaa, hase yeeshee inta ilmo kasta magac aanu raali ka ahayn looga bixinayo guriga, dugsiga iyo madarsada isugu yeedhida magacayda xun xuni waxa ay ahaanaysaa tusbax dabad ka furan
Ku barbaari ilamaga qiimaha ay leedahay walaaltinnimadu, habeen iyo maalin uga sheekee sheekooyin la xidhiidha walaaltinnimada iyo saaxiintinnimada si uu kalgacal iyo muxubo ugu qaado walaalihii kuwa ka yar yar, kuwa ka waawyenba iyo ardayda ay dugsiga wada dhigtaanba.

Aadabta

Bar ilmahaaga in xilliga la hurdo aanu qaylqaylin oo ixtiraamo dadka hurda, inaan caytamin oo ay caydu tahay ceeb. Ä°naanu sheegin been oo beentu ay tahay xaaran adiga oo tusaalayaal gaagaban oo yar yar siinay oo leh qof beenta sheega imtaxaankai ayuu dhacaa waa haddii uu dugsi dhigto haddii kalan waxa aad u sheegta qof beenta sheega ma weynaad oo waligii ma dheerado, waxyaabahan yar yar ee aad u sheegaysa waxa ay ilamahaga ka dhigi donaantaa mid ka feejigan beenta iyo wixii la hal-maala. Tuugada ayaa iyaduna waxa u baahan in aynnu  xumaanteeda  carruurta ku baraarujino inta ay yar yar yihiin.
wiilkaaga/gabadhaada yar ee ah ubixii berito kuwaas oo ummadda mustaqbalkeed iyo masuuliyeenteeda  noqon doona waa in aynu ku barbaarin in ay wax xun tahay in ayuu  wax aanu  lahayn uu qaadato oo uu  qa, ku barbarin in  aanu qaadan waxa ay leeyihiin walaalihii  isaga oo aan i f ama ogaalaansho ka haysan, tani waxa ay ka dhig doontaa in ilmaha yar aan baran qaad qaadista iyo in uu wax aaan isagu lahayn qaadan, ka foojinow in uu ilmaahaagu wax aan lahayn kal yimaadu dugsiga hubina in wixiisi ay ku jiraan shandadiisa iyo in wax dheeri ah u soo qaatay
 Ä°lmahaaga ha kula sheekaysan dadka waaweyn dhexdooda.
 Maskaxda carruurtu  waa sidii xaashi cad mase canjalada waxa kasta oo ay maqsho sida uu yahay u qabanaysa  oo aan waxban ilaawin amase aan hilmaamayn, maskadan yar ee curdinka wax ay ku fiican tahay in loog faaiidaysto qaybsiinta qawlka alle, barista siirada rasuulka iyo siirada asxaabtiisi suubana,barista dhaqankeenna wanaagsan iyo ku kaydinta talooyin fiican oo ilmahaga anfaca noloshiisa mustaqbalaka. Dhamanteen waxa aynu ilaa imika xasuusan nahay waxyabiihii ay hooyo inoo sheegi jirtay markii aynnu yar yarayn kuwaas oo aan mali ka go’in maskaxdeenna. Ciyaalku marka ya yar yihiin waxa ay jecel yihiin in ay dhagaysaataan dadka waaweyn marka ay sheekaysanayaan, waliba wax ay isku dayaan in ay hadhow isticmaalan erayda ay ka maqleen dad waaweyn.  
Tusaale macallin ayaa maalin u soo galay arday yar yar oo fasalka koowad ee barbaarinta ku jirta, fasalka wax fadhida carruur yar yar oo aad ubax mood aad loogu soo labisay, balcad aad u qurx badanna xidhan, badanaabad carruurta marka ay ku jiraan fasalka barbaarinta wax la baraa ansha iyo asluubta, qaabka ay dugsiga, guriga iyo bulshadab ugu dhaqmi lahaayeen. Si hawshaa loo xaqiijiyana ardayda yar yar waxa looga sheekeeyee shookooyin xambaarsan fariimahan. Sidaas oo ay tahay macallinkii waxa uu ardaydii uga sheekeeyey sheeko ay dulucdeedu ahayd toosinta ubaxan yar yar iyo dhirtan yar ee curdinka ah, barrehii markuu sheekadii dhammeeyey  ayuu weydiyey iyaguna in ay ka sheekeeyan sheeko noocan ah iyo in ay ka qayb qaatan sheekada haday tahay suaalo iyo wixii kale ee maskaxadooda ku jiraba , macalinkuii halkii uu taa ka sugayey ayuu waxa uu maqlay gabdh yar oo leh waa beentii  oo been ayuu sheegayaa macallinku. Maqalka arrintani wax ayku noqotay macallinkii anfariir iyo afkala qaada waxa uu la yaabayn wax ay ahayd halka ilmahan yar ee intan leegi ay ka maqashay erayga noocan ah.
Maalintii xigtay waxa lala xidhiidhay waalidkii ilmahan waxan loogu yeedhay dugsigii bal si loo waydiiyo cida ay guriga kula nooshahay. Hooyadeed waxa ay sheegatay in ay kaligeed wax carruur ah guriga joogto aanay jirin carrruur kale oo ay la ciyaarta ayna had iyo jeer ku dhex jirta dadka waaweeyn ee waalidkeed soo bookhada ama gurigooda yimaada.
Fadal carruurtadada ha u ogalaan in ay dhagaysaan hadalka sheekada dadka waaweyn marka yar yar yihiin. Waalid arrintaan aad uga feejignow.

U sameey ilmaha hawlo maalinle ah.

Nolosho waxa ay ku qurux badan tahay qorshaha, haddii aanad nolosha qorshe ka lahayn waa ay adag tahay inaad ku noolaato nolo wanagsan. Marka aad leedahay qorshe wax aad tahay qof farxansan  oo maalin walba ku dadaaliya sidii uu u gaadhi lahaa qorshihii noloshiisa, hooyo amase aabbw adigu waa inaad yeelataa qorshe nololeed si aad ubadkaaga ugu samayso qorsho nololeed inta ay yar yaryihiin, ogow haddii aanad lahayn qorshe nololeed meelna uma socotid waayo shalay , maanta iyo beriba waa iskugu kaa mid, noloshaaduna wax ay noqonysaa mid ku salaysan seexo oo sootoos.
Ku barbaari ilmaahga marka uu yar yahay inaad wakhtigiisa u qorshayso oo aad u samayso wakhtiyo cayiman oo uu qabto waxqabadayo kala duwan, sida wakhti uu ciyaar, wakhti u wax akhristo amase aad u akhriso haddii uuu yar yahay, wakhti aad wada sheekaystaan oo aad u sheekayso isagan aad waydiisato in uu kuu sheekeeyo, wakhti uu nasto iyo maalmo aad u kaxayso dalxiis.
Markaad qaabkan u qorshayso nolosha ilmahaaga waxa aa maalin walba ku waa bariisnay nolol xiiso ku dheehan yahay,  waxan ay meesha ka saaraysaa in ilmaahagu aanu lahayn wakhti gaar ah oo qabtoo hawl gaar, sidoo kale waxa ay u sahalaysaa in hadhow marka uu weynaado samaysan karo qorsho nololeed uu kaga gun gaadho mustaqbalka noloshiisa iyo aayihiisa dambe. Marka laga tago in ay arrintani u fiican tahay ilmaha wax kale oo ay caawinaysaa in nolosha guurkiina iyo qoysakiinuba ay noqoto mid jihaysan oo aad maskaxad u haysaan nooca u badka ee aad rabtaan inaas tarbiyadaysaan.

 Dhis kalsoonida ilmaahaaga.

Ä°n qofku uu kalsooni yeeshaa waa sadka ugu weyn ee ruuxi heli karo.sidaas  oo tahay waxa aynu u baahan in aynu kalsoonid ubadkeenna dhisno inta ay sabiga yihiin.
Kalsoonid waa arrinta jiritaanka aadamaha xaqiijisa walow ay jiraan wax yaabo kale oo badan oo jiritaan aadamaha tiirara u ah hadan kalsoonidu aad ayey muhiim u tahay.
Kalsoonid waa laba nooc mid xagga muuqaalka ah iyo mid xagga shakhsiyada ah.

A.   Dhisida kalsoonida shakhsiyadeed.

 Haddab haddii aynu ku horayno ta xagga shakhsiyadayada ah, u sheeg ilmaahaga in haddii uu  cashar qoray ama wax kale sameeyey u sheeg in uu si fiican oo qurux badan u sameeyey, xitaa haddii  wixii uu qoray ay ahayeen waxa  isku dhex yaacsan. U sheeg in ay fiican tahay ayse  tahay in uu intaa ka sii wanaajiyo. Ku aamman hawlaha maalinlaha ah ee uu qabto, ha ilaawin inaad mar walb xasuusnaato dhiiri galinta joogtada ah ee aad ilmaahaaga u siinayso si aan kala go lahayn. Dhiiri galinti wax ay ilmaha ka dhigtaa mid ku farxsan waxa uu qabanayo waxa kale oo ay tustaa sida aad ugu hanweyn(proudness) tahay ilmah. Ha canaananin oo ha ku odhan sow taan shalay ku idhi qaabkan waxan u qabo iyo qaab kan u qabo, ka fogow ereyda sida waad qalibi la’aadahay iyo qodon ayaad tahay, ereyadan meel weyn ayey ka degaan maskaxda ilmaha ilaa uu hadhow u qaato in uu yahay doqon ama damiin aan waxba kala garnayn oo aan waxba samayn karin. Waligaa ilmahaaga ha ku kor cananani dadka hortiisa waayo tani waxa ay qalbi jab ku noqotaa ilmaha, hana isku dayin inaad waxa kaga hor sheegto carruurta kale ee dersika oo idin maqlaysa waayo dhaawac weyn ayaad u gaysnaysaa ilmaha. Arrinta ina carruurta lagu hor caayo, aflagaaDeeyo, habaarro amase lagu hor garaacaa waa habdhan aad u fool xun bulshadeenna dhexdeena aad ugu baahsan. Qodabkan ma khuseeyo kaliya waalidka ee wax kale oo uu khuseeya macallimiinta barbaarinaysa ubadka kuwaas oo ay tahay in ay ka foojignaadan ku dhaqan falalka argagax leh ee kor ku xusan. Ä°lmahaaga u samee wakhti firaaq ah oo aad kula sheekaystato oo aad kaga waraysato hawlaha maalinla ah,  si kasta oo aad mashquul u tahay xitaa haddii ay kuu suuro gali waydo inaad si maalinle ah ugu waraysto labadiii cishaba mar ka  xaal- warayso, haddi aad tahay waalid hasta dhawr carruur ah samee maalin aad ka dhigtaan maalinta qoyska, tartan yar oo fudud oo aadabta ha u qabo, waydii suaalo fududu sida “marka musqusha laga soo baxo maxaa la sameeyaa, marka la hindhiso maxaa la yidhaa”  si aad u dhisto kalsoonida ilmaahaga waxa kale oo aad waydiisaa in uu kaga sheekeeyo sheeko, mid macallinkiisu uga sheekeyey amase aad adigu mar hor uga sheekaysay. Ä°ntan oo kaliya kuma hooban hooyo kastaan iyada ayaa taqaan qaabka ugu wanaagsan ee ay ilmaheed uga farxin karto garaaadkiisa iyo garashadiisan u korin karto. Kobcinta iyo dhisida kalsoonid ilmuhu waxa ay bilaabtaa meel hoose ilaa ay gaadho meel sare waayo ilmuhu waa korayaa maalin walban waxa uu la kulmayaa nolol cusub oo u baahan in  ku wejeh kalsooni iyo geesino.

B. Dhisida kalsoonida muuqaalka;

Alle ayaa abuuray aadamiga oo dhan waxaan uu u abuuray qaabkii ugu quruxda badanaa, mana jiro qof fool xun oo lagu caayo fool xumo qofkasta qaabka uu u egyahay ayuu ku qurux badan yahay.
Muuqaalka jidhku waa arrin keenta kalsooni darro iyo in uu ilmuhu la kulmo cadaadis kaga yimaad carruurta ay walaalah yihiin, ardayda, ciyaalka deriska iyo mararka qaarkood xubnaha qoyska, taas oo keenta in ilmuhu uu arko in uu ka duwan yahay dadka kale  amase uu ka fool xun yahay. Ugu horay in aanay ka jirin gurigiina dhexdiisa magac bxin tabani(negative) sida “ buurane, dugullo, calool weyne, sanjab, sanyare, naf yar, gaabo, dheere , cawaro, guray iyo dhammaan wixii magacayo ah ee tilmaamaya muuwalka jidhka kuwaas oo aan qofku raali ka ahayn in loogu yeedho. Magacayda qaar waxa ay ka soo baxaan guriga oo carruurta waxa u yeedha walalahood deetan sidas ayey ku gaadhan dugsiga qaarana waxa ay kasoo baxaan dugsiga oo waxa ay ku soo  noqdaan xaafada iyo meesha uu ilmuhu degan yahay. Magac xun bixintu waa dhaqan aad u fool xun oo ay bulshadeennuna aad ugu dheerayso aadna ugu dhaqanto, waa dhaqan kasoo hor jeeda diinteena suuban ee Islaam waayo islaamku ma ogola in qofna magac aanu raali ka ahayn loo bixiyo maadama oo ay sidaa tahayn waa in aynu ubadkeenna u barbaarin in aanu dhaqankaasi ahayn mid suuban.
Carruurta badhaqankan kala kulanta bulshada waa in aynu tageernaa oo aynu ka caawinaa sidii aynu niyadooda iyo qalbigooda aynu u  dhisi lahayn, ubadkeennana waa in aynu barnaa in arrintan ku dhaqankeedu uu yahay waxa aad u fool xun waa in aynu uga sheekaynaa sheekooyin ku saabsan arrintan oo bedel  kari maanka u badka una bedela kuwo ka reeban dhaqankan xun.
Mar walba waa in aynu u badkeen u sheegnaa in ay quru badan yihiin oo aanay lahayn wax iin ah.
Waa in aynu u sheegan in quruxdu ay tahay wax alle bixiyo qof walban in ku filan uu siiyey, gaar ahaan arirntan waa in aynu ka taageernaa hablaha oo aynu odhan karno waa ay ka kalsooni yar yihiin willasha.
Waa in aynu ilaalinaa jidhka ubadkeenna oo aynu daryeelnaa marka ay yar yihiin waayo xilligaas waa wakhtiga ay  ubad badan  waayaan qaaybo jidhkooda ka mid ah ayna yeeshan dhaawaca muuqada oo aan waligood ka hadhin, waa in aynu isku daynaa  xilli hore in aynu daawin u raadin iimaha fudud ee sida dhibta yar waxa looga qaban karo sida “faruurta, dalbah, ilkaha raaran,qaloocsanka lafta  jabniinka ka dib iyo cawarta amase isha oo dabanta”. Ä°imahaa aan hor ku soo xusnay dhammaantood waa iimo fududu si fududna ku yimaad si fududuna loo dawyn karo.
Ä°nnaga oo gacmaha is haysana waa in aynu isku daynaa ka takhalusida dhaqankan xun ee carruurta qaar ay nolosha oo dhan uga dhaceen waayo ilmana ma jecela in uu tago meel laga aflagaadaynayo oo laga caayayo . Dhaqan kani waxa uu god madow ku riday nolosha in badan oo ubadkeenna ka mid kuwaas xitaa madabkoodii bedelay si ay magacaydan u tirtiraan.

La soco qaybta xigta......



NB: Xuquuda sawirka Koriye ma laha haddiiba ay jirto cid dhibsanaysaa wax aannu diyaar u nahay in aan tirtirno.

No comments:

Post a Comment

@templatesyard

© All rights are reserved.