waa qaybtii labaad ee barnaamijkeenni barbaarinta carruurta ee la magacbaxay "Barbaarsame".
Quruxuda bulshadu wax ay ku xidhantahay hadba sida ay u
dhaqanto. Qofka wax qurxiya sida uu dadka ula dhaqmo ogow si kasta oo aad u
qurux badan tahay haddii aanad aqoonin sida loola dhaqmo dadka ama aanad lahayn
habdhaqan wanaagasan waxba kama jiraan
quruxda muuqaalkaaga.
Haddaba habdhaqanka wanaagsan sidee ayuu ku bilaabmaa
goorma ayuuse bilaabmaa, sidee ayaa loo samaysan karaa ama uu qofku u yeelan
karaa habdhaqan wanaagsan? Si aynu u helno
bulsho habdhaqankeeda wax ka bedesha oo meel marta, Waxa aannu halkan
idiinku soo gudbin doonnaa casharo taxane ah kuwaas oo aan bulshada ku
baaraarujinayno.
Barbaarinta ilmahagu waxa ay ka bilaabanta abarbaarinta
naftaad waayo waxa aanad adigu samaynayn kuma barbaarin kartid in uu ilmaahaagu
sameeyo amase uu ku dhaqmo.
Halkan hoos wax aynu ku eeg doon qodob aad u muhiim ah habdhaqanka bulshada ayna
tahay in qoys kasta laga hirgaliyo si loo helo bulsho habdhaqan wanaagsan.
5. Aamusnaanta/
Hoos U Hadalka Ä°yo Ä°s Dhagaysiga.
Aamusnantu waxa aad u muhiim ah waan wax la barto oo ay tahay in
lagu dhaqmo. Hooyo marka uu ilmaahaagu yar yahay ee aad u heesayso ama aad
seexinayso ha ugu heesin cod dheer, taas wax ay keeni kartaa in uu ilmahaagu la
qabsada qaylada oo xitaa marka aad cod hoose ugu heesto bilaabo in uu ooyo oohintaas oo muujinaysa
cabasho in aan marnaba raali ka ahayn codkaa
hoose. Ä°sku day inad markasta kula xidhiidho ilmahaaga cod hoose, wax
kasta oo aad u sheegayso waxa aad ugu
sheegtaa si hoose. Waxa kasta oo wanaagsan wax ay ka bilaabmaan qoyska. Qaabka
uu qoysku u dhaqmo ayuunbay qaranku u dhaqmaa.
Ä°n aynnu ubadakeenna ku barbaarin hoos u hadalku waxa ay
caawinaysaa habdhaqanka bulshadeenna. Waxa ay innaga dhigaysa bulsho is
dhegaysta oo is dhugata.
Alle waxa uu ina siiyey hal Af ıyo laba dhagood,taasoo
macanaheedu yahay in aynnu wax badan dhagaysano
hadalkan yaraysano. Qur’aanka alle in badan ayuu ku xusay dhagaysiga maadaama
oo ay sidaa tahay waa in ubadkeenna ku
barbaarinaa dhagaysiga.
Ku barbaari ilamahaaga in uu wax dhagaysto, bar marka qof
hadalyo inaanu ka dhex galin.Si aad kor ugu qaado qaabka dhagaysiga ilmahaaga u
sameeye xilli aad uga sheekayso sheekooyin una sheeg in marka ay sheekadu dhammaato
uu weydiimo kaa weydiiyo ama uu
sheekadii dib ugu soo celiyo. Haddii ilmuhu aad u yar yahay isku day inaad u
gaagaabiso sheekooyinka aad uga sheekaynayso deetan waxa aad waydiisaa su’aalo fudud.Tani waxa ay kobcinaysaa garaadka
ama garashada ilmaahaaga sidoo kalan wax
ay ka caawinaysaa in uu barto qaabka dhagaysiga, hana hilmaamin inaad u sheegto
in ay gaadhay markisii/markeedii, haddii aad aad dhawr carruur ah leedahay mid
kasta wakhti u samee kuna dhiiri gali in uu dhagaysto inta ka kale hadalayo
deetan marka u damaysa dood u furo una sheeg in ay dhammaantood cod hoose ku
hadlaan.
6. Nadaafadda Gaar Ah Ä°yo Ta Guud( Personal And Public Hygein).
Nadaafaddu waa muhiim ah, gaar ahaan marka aynnu
ka hadlayno umad islaama oo meeqaam sare gaadhsiisay nadaafadda. Islaamku nadaafadda
waxa uu ka yeelay qayb iimaanka ka mid ah, maalintiina shan jeer uu qofka faray in uu waysaysto oo oogadiisa
nadiifiyo. Haaddaba si aynu u helno bulsho nadiif ah waa in aynnu ubadkeenna ku
barbaarin nadaafadda iyo sida la isku nadiifiyo. Ku barbaari ilmaahaga inaad waxba siin isaga oo aan faraha soo maydhan/dhaqan.Ha
hilmaamin ahamiyada faraxalka.
U sheeg markasta
oo musqusha/suuliga la isticmaalo in farha la maydho amase la dhaqdo. Ä°lmahaagu
marka uu yar yahay ku barbaari
inaad jidhka u maydho maalin walba amase habeen walba oo
waliba marka aad u maydhayso ha ka ilaawin inaad u sharaxada sidaad u ugu
maydhayso tusaale ahaan adiga oo leh biyaha waxa aynu ka bilaabaynaa halkan iyo
halkaa qaab fududna ugu sharaxay, maalinta xigta isaga waydii in uu kuu sheeg
qaabkii aad ku bilaabi lahayd maydhashada hana ilaawin inaanad codkaaga kor uga
qaadin intii loo baahnaa in ka badan.
Bar ilmaha sidii u laalaabi lahaa gogoshiisa ama u giijin lahaa sariirtiisa ka hor inta aan ka
kicin ee aanu meel kale u kicitimin. Hana ilaawin fool dhaqashada iyo cadaygu
in ay yihiin waxa ugu horeeya ee maalinta lagu bilaabo. Ha
ilaawin ilmaagu marka saddex sanno ka waynaad inaad ka codsato in uu kaa
caawiyo nadiifinta guriga sida qaadida shaydii uu ku ciyaarayey. Barista amase
ku barbaarinta in uu shay kasta meeshii loogu talo galay marka loo baahadan uu
kasoo qaadi kara. Tani waxa ay fududanaysaa
in hadhow marka uu weynaado aanu noqon qof is dhexyaalka jecel ee uu noqod qof
habaysan.
U sheeg in aanu wax yaabaha ka hadhay cuntada uu cunay
aanu ku tuurin dariiqa ama meel guriga dhexdiisa ah oo aan ku haboonayn, u
sheeg in uu geeyo meesha xashiisha ama qashinka lagu rido.
Marka aad suuqa u kaxayso tus oo ha ku arko adiga oo
dariiqa qashinka ama wixii kale ee dhib ah ka weecinayaa. Ä°ska ilaali inaaad
baaldi wayn amase jamcad weyn aad biyo kusoo shubto deetan qof walbaa uu halkaa
ku farxasho waayo gacmaha carruurta waxa
saaran wasakho kala duwan haddiba biyihii aad farhaag ku maydhay deetan aad ka soo
dhex saarta waskhadii iyo jeermiskii halkee ayuu ku hadhay?
Teeda kale arrintani waxa ay ilmaha ka dhigaysaa mid
caajis ah oo mar walba sug in loo keeno farxal. Markaa hooyo ha u ogolanin
inaad jamacad/baaldi farxal ku soo shubto oo aad soo diyaariso si dadka oo dhammi
halkan farhooda ugu dhaqaan. Ku barbaari
nadaafadda goobaha waxbarshada. U sheeg in uu ilaaliyo nadaafadda dugsigiisa
iyo fasalkiisab waayo marka laga yimaado guriga carruuurtu halka ugu badan ee
ay wakhtiga ku qaatan waa dugsiga. Ha ilaawin ku barbaarinta nadaafadda dugsigu iyo
fasalkuba ay tahay hawl adiga kuu taala ka hor macallinka. Dabcan macallinkana waa laga rabaa laakiin marka hore
ku soo barbaari ta macallinkuna sii
adkayn iyo ku celis ayey u noqon doontaa.
7.
Raaligalinta;
Raaligalintu waa arrin aad ugu muhiim ah
bulshada inta ku dhaqantaana ay aad yar
tahay.Raali- galintu waxa ay kaa caawinaysaa in marka uu ilmahu qaldamo uu raaligalin bixin karo,raaligaliyana haddab
cidii kuu ku qaldamay. Ku barbaari
ilmaha raaligalinta ha na hilmaamin inaad ugu sheegin qaab amar ah ee aad u
barto qaab ficil ah amase fal galin ah, ha ku arko adiga qof raali galinay
amase iga raali ahow ku leh xitaa haddii anay ahay wax muhiim ah laakiin ilmaha
uun u noqota tusaale fiican ama fal taban.
8.
Cafiska .
Cafisku waa waxa aad u muhiim ah meel fiicana
kaga jira nolosha qoyska in ubadka lagu barbaariyaan waa arrin daruuri ah.Ä°bnu
aadamku qaldak waa u saaxib, hadh iyo habeenbana wax ay ku dhacayaan qaldaad
kala duwan oo ay ka galaynaa naftood amase nafaha kale, qaladka uu qofku
naftiisa ka galo Alle ayaa ka dhaafi karo ay tahayna in uu cafis ka dalbado ka
u dadka ka galanna waa in uu bartaa sidii cafis uga dalban lahaa.
Sidaas oo ay tahayna waxa muhiim ah cafisku in uu noqod wax bulshadu si
maalinle ah u adeegsato kuna dhex baahsan. Haddab si aynu si fudud arrintaas ugu fulinno waa in aynu guriga ka
soo bilownaa oo ubadka ku soo barbaarinaa qiimaha uu cafisku leeyahay yo sida wax
loo cafiyo labadaba.
Ä°lamuhu marka uu qalad sameey ha ciqaabin laakiin’se u
sheeg inaad cafisay xitaa haddi aad markii aad u cadhootay aad u sheegtay inaad ciqaabti doonto. Ciqaabtu ama dilmadu
ilmaha waxa ay ka dhigtaa mid dhago adag oo
gasariir iyo canaadnimo ku dhaqma. Bedelkeed isticmaal qabab yar yar
oo ilmahana waxba yeelayn( jidh ahaan
iyo maskax ahaanba) adigan kaa dhigay waalid naxariis leh “sida u marka uu
qalda galo u sheeg caaw in marka uu seexanayo aanad u akhrin doonin sheeko”. Hooyo kastaaba iyada ayaa taqaana waxyaabah uu ilmaheed aadka u jecel
yahay ee ay u samayso si ay u farxad galiso,
sheeg in maadamo oo uu qalad galay in aanad u samayn doonin waxyaabihii uu
jecelaa, deetan marka uu cafis ku waydiisto cafi oo uu sheeg inaad cafisay.
Haddii aad hooyo haysto carruur dhawr wax hubaal ah in markasta ay iska hor
imanayaan oo ay xurgufi dhex marayso haddii’se aad barto carruurtada cafiska,
raali-galinta iyo qaabka loogu dhaqmo wax aad
meesha ka saart kartaa in carruurto ay noqodaan qaar isku cadhooda amase
aanu xidhiidhkoodu wangaasanayn.
la soco qaybaha dambe.
No comments:
Post a Comment