DHALANTEED



                                              DHALANTEED




Maan aaminsanayn jacaylka ka dhasha eegmada kowaad haseyeesha waxa aan arkay aniga oo indhahaygii soo laaban waayeen, aad moodana in birlabi indhahayga jiidanayso. Dhankayga oo kaliya may ahayn eegmaduye xaggiisan taas tu la mid ah ayaan ka dareemayay. Dabnuhu  si dareen la’aan ah ayey ii dhaqdhaqaaqayee, afkuna hadal ayuu jamanayeyey laakiin awaadda xishood ee la igu barbaariyey oo ahayd in aan mar walba rabitaanka nafta hor joogsado ayaa  i dabraysay oo hogaanka ii haysay. Cabaar haddii aannu indhah uun iska eegnay ayuu si lama filaan ah dhankayga ugu soo dhaqaaqay oo agtayd isa soo dherershay. Magacaygu waa Caynaanshe, kol haddii aad baskan sugaysana waxaan filayaa in aynu isku xaafado nahay ayuu yidhi. Awood aan ku hadlo ayaan iska baadh baadhay, weedhihii ugu horeeyey ee afkayga ka soo baxana waxa aad moodaysay in aan gaangi leeyahay, hadalkii ayaa iga taagtaagmay. Ugbaad ayaa la yidhaa, reer Xero-awar ayaan ahay ayaan dirqi ku idhi. Isagu waa uu iga dhiiranaa. Oo muxuu iiga dhiiranaan waayey sow nin maha!
Barasho wanaagsan Ugbaad, sida uu magacaagu u qurux badan yahay ayaad aduguna u quruxsan tahay. Mahdnaq ay dhoole caddayni ku dheehan tahay ayaan ugu jawaabay. Maalintaas laga bilaabo Caynaanshe waxa uu noqday qof noloshayda ku soo biiray. Waxa uu aad ugu dhaqan duwaan ragga Soomalida intooda badan. waxa uu ahaa qof naxariisto loogu deeqay. Garashada iyo geesinnimada eebbe ku galaday. Waligii dalab aan ka dalbaday maya kama soo celin, arrin aan u soo bandhigayan diidmo qayaxan kagama jawaabin. Sannadahaa jaamacada ayaan ku jiray shaqana gacanta kuma aan hayn, nolosha qoyskayaguna aad ayey u liidatay, jaamacada sida la igaga bixiyana Alle ayuunba ogaa.Aad ayaanu isku dhexgalnay jeer aannu noqonay dad aan waxba kala qarsan. Wuu ogaa duruuftayda nololeed ana waan ka warqabay hantidiisa. Afar sanno ka hor ayaa ka soo hayaamay qurbaha oo uu ku barbaaray aanu’se ku dhalan. Malah waa halka uu naxariista, caawinta iyo haween u jajabnaanta ku bartee. Dhawr shaqo oo kale duwan ayuu magaalad ka hayaa, lacaga buuran oo qurbaha kala soo guryo noqdayna waxa ku aasaasay ganacasiyo dhawr ah oo aan magaalada hore uga jirin sidaas oo ay tahay, halka uu istaagaba shaqo ayuu ka helaa. Tolow ma qurbo joognimadaa ugu wacan iyo baasaaboorka weyn ee u midigta ku sito. Mooji.
Markii aan xalkiisa nololeed war buuxa ka helay kaygan uu ka dheregsen yahay ayaan ka codsaday in uu shaqo iiga soo raadiyo hay’adda uu ka shaqeeya ama uu iga shaqaalaysiiyo meheradihiisa mid ka mid ah. Muddo ayuu aamusnaa oo uu fikirayey. Waxa aan iigu war celiyey in anaan ahayn qofkii inta uu salaad kalaho shaqo tagi lahaa,maalin kasta dad kala dhaqan ah oo kala dabeecada ah la kulmi lahaa. Iska nafis oo iska naso, gurigiina qoraxda kaga dhuumo, halkaas cilaankaaga iyo cusburaykaag ku marso ayuu cod naxariis leh ku yidhi. Haddiba uu arkay oo foolkayga ka dheehday in aanan aad u qancin hadalkiisa ayuu haddan xaggan isku rogay oo yidhi” Gacaliso ma rabo in deegaan rag oo dhammi iskugu soo ban bexeen aad ka shaqayso. Raali kama ihi in il aan tayada ahayni  quruxdaada dheehatee, aqalkiina iska fadhi inta guurkeena ka hadhayna, wax kasta oo aad u baahantahay aniga ayaa kula horjooga”. Waligay hadaladan oo kale ma aan maqlin, jidhiidhico ayaa i qarisay, timihii oogadayduna qodxo ayey noqdeen. Hawraarsan ayaan ugu jawaabay. Maalintaas ayaa iigu dambaysay shaqo aan raadsado nooca ay doonto ha ahaatee. Waan ka dheregsanaa duruufta reerkayaga oo waan ogaa xitaa saddex boqol oo kun oo aan meel ka qataa in uu nolosha qoyskayga meel uun ka kafayn lahaa laakiin axdigii iyo codsigii Caynaanshe ayaan sinaba u dhaafi waayey. Asxaabtayda iyo qoyskayaguba waa ay arkayeen waxa kharash igu socoda, laakiin ma jinbaa biiliya mise jaan waa la kala saari kari waayey. Baska oo markii hore ahaa gaadiidka aan ugu raacista badnaa ayaan ka ilbaxay oo waxba la ii sameeyey tagsi aniga ii gaar ah, xiliga kasta oo aan u baahdana dhakhso iigu yimaada. waa inta Caynaanshe shaqada ku jiro inta kalan maalinba  gaadhigii ugu dambeyey ayaan saaranahay. Rawxaad habeenkii gaadhi kama werwero, duruusta oo aan dhammaan ayaa habeen fariintan helaa” Gacaliso waan joogaa”.  Caynaanshe ayey ka timid ayo kale hadaa! Maalqabeenka ka uu yahay, qaabka iyo quruxda uu Eebbe u abuuray ka sakow waxyaabaha aan aadka ugu helay ee kalgacaylka igu dhaliyey wax ka mid ah dabeecadiisa wanaagsan , iyo naxariista oo ragga wax dheer yahay. Xagaagii ayaa la gaadhay, waana xiligii aannu guur ku heshiinay. Doonistii kaagama sheekayn  karo arooskiina hadalkiisab daa. Waxa aan galay nolol aan u kala garan waayey dhab iyo dhalanteed, wax aan waligay hilaamin inta uu maalintii koowaadaba kacay in aniga oo aan wali toosin uu quraac aad u macaan soo diyaariyey sariirta iigu dul keenay. Yaabay oo idhi adoonku miyaanu Soomaali ahayn. Sida iska caadiga ah dumarka Soomaalida wax ceeb ku ah in ninkeedu ka hortoos. Haba toosee waxa ceebtaa safar raacday ah in inta uu kaco kijada galo oo hadan quraac ku soo diyaariyo.  Intaaba waxa ka sii ceeb badan hadan in uu ku soo laabto wali adiga oo halkii jiifa. Xusuunow ceebahani Soomaalida ayuunab gaar u yihiin. Naxadin ayaan hadli kari waayey markii aan arkay quraac diyaar ah. Alla ceeboobayeey ayuu ahaa eraygii ugu horeeyey ee afkayga ka soo baxaa. Caynaanshan isaga oo aanay ka qasnayn ayuu igu yidhi maxaa dhacay gacaliso?. Isaga laftiisu arrinta dhaqanka waa dareensan yahay laakiin dantiisa ayuu ka raacdaa. Nolol raaxo ah oon sinba loo suuraysan Karin ayaan galay.
Si yar ayaad ku taajirtaa si yarna faqiir ayaad ku noqon kartaa se si yar qof xun kuma noqon kartid. Waxa aan arkay annaga oo aan lix biloodba wada joogin dabeecadii wanaagsanayd ee Caynaanshe oo aan maalina maalin ku sii darayn. Naftayda ayaan su’aalay waa maxay waxan oo dabeecad xumo ahi? Halkayse ugu qarsoonayd. Guriga maalin fooda ma soo galiyo habeenkiina saqda dhexe ayuu sida tuuga daaqada kasoo dhacaa. Naa wax la cuno ma haysaa, kolay wax hagaagsan Karin mayside waa ereyda joogtada ah ee afkiisa kasoo baxa. U qaadan waa ayaa igu dhacay. Waan isku buuqay oo meesha ayaan ka baxay. Lacagtii aan ku dheeldheelayey ayaan mar qudha nuurigeedi wayey. Bas aan raaco oo ay muddo sannad ku qiyaasani iigu dambaysay ayaan dib u bilaabay. Haddiiba aan Caynaanshe wayddiiyey waxa is bedelayn si fudud ayuu iigu yidhi” Aniga waxba iskama ay kay bedelin ee bal adigu naftaad dib ugu noqo, noloshuna waa dhib iyo dheef is dhinac socoda waxaase aan filayaa in indhihii aad markii hore igu eegaysay aanad hadda igu eegayn, sow ma aragtid sida aan noloshaad  u bedelay sida an meel kasta dahab kaaga sudhay. Waxan laga yaab in nolosheenna dhabta ahi ay tan tahay”. Nolosha dhabta ah aa! Oo wanaagii iyo kalgacaylkii hore maxaa ku dhacay, sidee ayaadse intaas oo dhan nolol dheel dheel ah u dheeli kartaa.”Haa wanaagii hore waxa aan uga dhan lahaa in aan  ku hantiyey taana hadafkeedii waan gaadhay. Halkaas ayaan hadalki ku joojiyey waayo waxaan ka baqaday in cadhada i haysa uu dhiikar igu dhaco. Naftayda ayaan dib ugu noqday. Maxaa is bedelay miyaanad Ugbaadii iyo indho u roontii shalay ahayn. Maskaxda ayaan dib u celiyey waxa aan xasuustay haween badan oo aanu deris ahayn oo xaas ahaa waliba rag maalqabeeno  ay qabeen haddan darxumada iyo diifta ka muuqata aad yaabayso. Duruucada hayl hayl ee ay xidhan yihiin. Dacaska idlaaday aay cagta ku jiidayaan iyo daynta suuqa looga haysto ayaan aad ula yaabi jiray waagii aan gashaantida ahaa. Haweenkaa dhammaanto doqmo ayaan u haystay aan aqoon u lahayn sida raggooda waxa looga qaado laakiin maanta ayaan garawsaday in aanan aniguba iyagii ka dhicin.
Uur ayaan leeyahay oo iska ma furi karo. Aroosadii shalay ayaa maanta furniin  dalbanaysana marnaba garowshiyo bulshada kaga heli maayo. Dadka inta aan dhibtayda la wadaagayn in aan samro ayey qalbiga iigu buuxshaan. “ Carmalnimadu maaha wax lagu deg dego, ilma an aabbo lahayn korintiisu maaha wax fudude shaydaanka iska naar oo reerkaaga hayso” waa talada maalinlaha ah een maqlo. Sideen u samara,ma noloshan ayaa ah mid loo samro?. Qof  joogistaada iyo maqnaanshaahu isgu mid yihiin sidee loola noolaada? Qof haddi uu afka kala qaado aad sii ogtahay wax ka soo baxayaa in uu yahay cay iyo aflagaado, gacantuna marka ay doonto dheertay ma la noolan lahayd bala an ku su’aalee?

La soco...........


Qore; Nasra Cali Nuux

No comments:

Post a Comment

@templatesyard

© All rights are reserved.