Sheeko: Bal Maxaan
Haweenkıyo Dumar Ugu Hıloobaa!
Waxa aan
iskaga soo hor baxnay si kadis ah, muuqeeda ayaa aan aad u jeclaystay, naftuna
in aan la hadlo ayaa ay damacday, hore se waan ugu dhici waayey. Way
baalo-daymoonaysaa, waxa aad moodaa in ay baadidoon ku jirto, malahayga waxa uu yahay in meeshii ay ku socotay ay garan wayday.Waxaan isku taagay
si qumaati ah, waxaan jeclaystay in aan dhugto kobta ay ku jeedo. Ma la
hadashaa iyo mayee bal eeg ayaa aan isku qabtay, mise intii aan intaa ka
fikirayayba waa ay dhamacday. Naftu waa ay is hayn wayday oo waxa aan is arkay
aniga oo ka daba tagay. Dhawr talaabo goor aan u jiro qiyaas ahaan ayaa aan is
weydiiyey waxa aan ku odhan doono, intii aan maskaxda la shawrayay ayaa ay si kedis
ah gadaal su oo jaleecday. Ax! Bisinkee walaal sawniga kaa naxay ayaa ay si
lama filaan ah ii tidhi, anigu se iyada ayaa aan ku dhaygagay. Kuliyadda beeruhu halkay ku taalo ma i tilmaami kartaa walaal adigoo
mahadsan? ayaa ay cod aad u dabacsan igu waydiisay. Kuliyadda beeraha miyaa? Haa;
aniga ayaa ku soo tusiye in mari ayaa aan ugu hadal celiyay.
Dhinicii
kuliyadda ayaa aannu jaamacadda uga dhaqaaqnay, intii jidka aannu kusii jirnay
waannu sheekaysanaynay; Ardayda cusub ayaad tahay baan filayaa walaal? Haa;
ardayda sannadkan jaamacadda galaysa ayaan ahay ayay iigu jawaabtay. Haasaawaha
wadaagga ah ee aannu ku meel marayno inta badan waxa daadihinaya aniga, iyadu
se waydiin kasta war celin gaaban ayaa ay kusoo xidhaa. Waxa aan
is idhi: Ma su’aalahan aad waydiinayso ayaa ay inantu qaar qoonsatay? Mise
deegaanka wanaagsan ee jaamacadda ee ay indhaha la raacraacayso ayaa ay
maskaxda ku jeedisay? Haa laga yaabaa waayo deegaankani qof kasta oo ku cusub
jaamacadda waa mid cajab galiya. Ma laga yaabaa se inay ka fikirayso
muuqaalka mustaqbalkeeda iyo qaabka ay u wajihi doonto hadhow, Weyne se garan. Waxa
aan xasuustay maalintii iigu horaysay ee aan ka soo galay kadinka jaamacadda, waxa
kaliya ee ay maskaxdaydu is weydiinaysay mustaqbalkayga iyo sida ay noloshaydu
noqon doonto todoba sanno kadib.
Run
ahaantii waa qof aad u af-gaaban, aamusnaanta ay edebtu ku dheehantay ee ay
leedahay aad ayay iisoo jiidatay, waxa i galay hami iyo haddii qofkan qiimaha
leh aad asxaab noqotaan sida ay u wanaagsanaan lahayd. Waxa ay ii tahay fursad,
imika ayaa ay iigu dhawdahay in aan walaaltinnimo unugno, iyada oo aan maanka ku
hayo in aannan jaanis danbe u helayn hadday maanta dhaafto. Cabbaar intaa aan
maskaxda kula shawrayay waxa aan toos u guddo galay barashadii, Walaal
magacaygu waa Cali, waxa aan ka mid ahay
ardayda dhigata jaamacadda, gaar ahaan kuliyadda caafimaadka, waxaan ku jiraa sannadkii
ugu dambeeyay waxbarashadayda. İga raali ahow walaal, waan jeclaan lahaa in aad
adiguna iskay barto. Walaal magacaygu waa Ilwaad, waxa aan ka mid ahay ardayda
cusub ee gali doonta culuumta beeraha ayaa ay waji ka duwan kii hore igu tidhi.
Barasho wanagsan Ilwaad, Jaamacaddana waannu idinku soo dhawaynaynaa maadama oo
aad feresh (Fresh) tihiin imika idinku. Waannu dhawnahay waad mahdsantahay
walaal. Waxa aad mooda in ay imika soo dabacday oo ay hadal iyo haasaawe diyaar
u tahay.
Wax aannu
sii soconaba waxa aannu gaadhnay kuliyaddii beeraha oo xagga ugu dambaysa
jaamacadda kaga taalay. Xafiiskii kuliyadda ayaa aan farta ugu fiiqay, waxa aan
ku yidhi soo dhammayso hawlahaaga, aniguna halkan ayaa aan kugu sii sugi doonaa
insha Allah.
Balan maaha jacaylku, bandhig la iskugu baaqee, waa ishaa
biligteeda wax bogaaga ku beerma. Ilwaad kalgacayl aan
qacdii hore u qaaday ayaa aad moodaa in uu jidhkayga oo dhan ku sii faafayo.
Intii ay iga maqnayd wax badan ayaa maankayga kusoo dhacayey, tahli waayay se wakhti
aan nafta ku waraysto indhaha oo daawasho ku mashquulsanaa awgeed. Cajab!
Roob mahiigaan
ah oo salaadi hore da’ay ayaa geyiga maansheeyay, godannada yar yar ee dhulka
guudkiisa Alle xareed baa ku goboh siiyey, gees kasta oo aad jaleecdana biyo
ayaa ka gallalac leh. Kuliyadda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee aan hor
fadhiyo waxa astaan u ah ubaxyo qurux badan, dhir midab iyo midhaba leh iyo
geeddo hadhac ah oo hareer kastaba kaga gadaaman, dhirtaa kala jaadka ah sokow
ugaadh ay indhuhu ku nayaayiroonayaan ayaa saggaro halkeer ah ku xeraysan,
waaw! Dhammaan duurjoogtii dalka intii aan dad cunka ahayn oo aan is yidhi lab
iyo dheddig kasta mid ayaa laga soo qaaday ayaa xayndaab halkan ah ku kala
xidh-xidhan. Dadka kuwa aan magaallada ka bixin amase aan miyi waligood arag
xiise gaar ah ayaa ay u samaynaysaa meeshani. Ka miyi hore usoo arkay isaga
waxa hubaal ah in uu xusuuso hore dib usoo mir kacayo. Miyi, haa miyiga
yaraantaydii aad ayaa aan u tagi jiray laakiın duurjoog badan oo waligay aannan
arkin ayaa halkan ku xeraysan. Deegaanka iyo dabeecadda quruxda leh oo aan aad u jeclaa awgeed ma aqaan goor aan
dhaqaaqay, waxa aan is arkay anoo dhex taagan badhtankii beerta xayawaanka oo
masaafo kooban ii jirtay markii hore. Duurjoogta inta aan magacyadooda gartay
iyo inta aan maleeyay, waxa boqol jeer ka badan magac dhabis daaye inta aan
meelba u qaadi waayay. Waxaa aan is weydiiyey xayawaanku haba danbeeyee, inta
geed ee aan iyagana magacaabı karo. Dhan kasta ka marayoo toban ma gaadhan
iyana.
Goorma
ayey nafta iyo deegaanku kala xidhiidh furtaan? Adiga miyaanu ahayn qofkii aadka
u jeclaa dabeecaddu. Meeliba meel ka daran shimbiro qurux badan ayaa iyaguna ku
dabaalanaya qabatino yar yar oo biyo fadhiyaan. Shimbirriba tii ay ka ma muuqa
roonayd ayaa halkan lagu hayaa, qaarkood dadka kama baqayaan oo agtaada ayey
isa soo taagayaan. Mansha Allah! Daqiiqaddo kooban oo aan taagnaa kadib waxa
aan helay xasilooni iyo il doogsi aan xad lahayn.
Ilwaad
oo hawlaheedii soo dhammaysatay ayaa dhinacayga soo istaagtay. Qudheedu daawashada
duurjoogta iyo shimbirraha ayey la dhacsan tahay, dhankayga ayey soo fiirisay
waxay i weydiisay magacyada duurjoogta qaarkood. Dhawrkii aan magacyadooda
garanayey ayaan tilmaan iyo magacdhab isugu dhafay, iyadu se way i fahansantay,
kuwa aanan magacyadooda garanayn bay i weydiinaysaa; “Ma aqaano kuwan, hore umaan arkin” “Haye oo
haddiiba aanad arkin dugsiga kuma aad dhigan miyaa” ayey si diiran iigu soo celisay. Dugsigaa!
Mayee waan ku dhigtay oo magacyo badan waan qaybay laakiin magaca iyo muuqa
islama doonan karo’e adigu ma kasaysaa Ilwaadeey? Haa, dabcan waxaan garanayaa
in badan. Anigu shakhsiyan waxaan ahay qof deegaanka aad u yaqaan, duurjoogtana
in badan ka bartay waana sababta aan u doorbiday in aan ku biiro kuliyadda
beeraha iyo xanaannada xoolaha. Qofka iyo bay’addiisu haddii ay is baran
waayaan sow inay kala hayaamaan gar maaha!?
Nacam walaal, waxaa tahay qof fiican oo ku dayasho mudan runtii.
İga wale
Ilwaad waa ka dhab; durtaba waxay bilowday in ay i kala barto ugaadhii badnayd ee goobta joogtay magacyadoodii. Kani
waa Biciid, labkiisu waa Saryan, dheddigeedduna wa Gosol, Tanna waa Garanuug
labkeedu waa Liig, dheddigeedduna waa Tingaax. Taasi waa Gorayo labkeedu waa Haldhaa/Goray
(Goray Haldhaa). İnta ay casharka i siinayso iyadu, anigu waxaan leeyahay laba
qalbi, haa mid iyada ka guraya barashada duurjoogta oo haye iyo hawraarsanta
haya iyo mid aan isku waydiinayo goorta ay magacyadan sidaas u baratay iyo inta
ay ku qaadatay barashadoodu.
Bilicda-san
ee rabbi ku galaday Ilwaad waxa weheliya maanta jewi qurux badan, sankayagana
waxa laydhi si xidhiidh ah ugu soo ridaysaa neecaw udgoon, rays, hawo macaan iyo
goob cagaaran ayaa aannu tamashlaynaynaa, ma qiyaasi karo dareenkayga, waxa
kaliya ee aan ka werwersanay in intaas aan dib iskula heli doono mar danbe. Bal suurayso adigu jawigaas, haddii aad dhex joogi
lahayd sidee dareenkaagu noqon lahaa? Jawi jacayl un iga dheh, malaha waa kii Cilmi
Boodhari, iilka dhigay Qaysk iyo Laylana iilkooda meel ka wada qoday.
Ilwaad
malaha in ay macallimad noqoto ayey ku wacnayd. Dersi aannan noloshayda qaadan
ayaa ay i siisay maanta, iinsaanku in uu deegaankiisa ku tiirsan yahay ayaa aan
ogaaday, xeel dheerida aqoonta deegaanka iyo siday uga horayso culuunta kale oo
dhan baan arkay.
Socod
iyo sheeko wadaag ah oo iskugu kaayo duba dhacsan baannu kaga soo baxnay
jaamacaddii, waxay iiga mahadcelisay sida wanaagsan ee aan uga caawiyey halkii
ay u socotay. Guddoon wanaagsan kadib waxa aan ka codsaday in ay lambarkeeda i siiso,
waxa aan marmarsiyo ka dhigtay in aan arday ugu noqon doono cilmiga deegaanka
ee ay cabqariga ku tahay. Hore ayey iiga yeedhisay lambarkiina. Haye walaal iyo
waa inoo nooli kulante, magacayguna waa Cali ee anaa kusoo wici ayaannu ku kala
dhaqaaqnay. Dhankii gaadiidka dadweynaha ayey u jihaysatay. Waan ka daba yimid “Ilwaad
gaadhi ayaan wataaye ma ku sii turaa”ayaa aan ku yidhi. ”Maya walaal waan
dhawahay aad ayaad u mahadsantahay” ayey si kalsooni ku dheehan tahay ii tidhi.
Kalgacayl
aanan garanayn goorta uu i haleelay ayaa igu soo mirkacaya, waxaad moodaa inuu
hore lafta iyo dhuuxa igaga jiray oo caawa un iga soo dhex toosay. Naftayda
ayaan hoos ula hadlayaa intaa. Acuudu Bilaah! Waar ileen dhaaxaad inan qurux
badan aragtaye, jacaylka aad sheegaysaa ma xiise wax dhaafsiisan baa! Imisaa
markii aad muuqeeda aragtay ee aad hunguri iyo hurdaba uga haajirtay, toddobaadna
haasaawisay xiisihii kaa dhammaaday. Waxa aan sidii cashar la xiftinayo ugu
celcelinayaa lambarkii Ilwaad oo ay naftaydu iyadii moodaysaba. Ma garaacdaa
tolow imika? Aad garaacdide maxaad weyddiin doontaa? Dee ma wax aan waydiiyaan
waayayaa saw ugaadhiiba wax ka su’aali maayo. Waar adigu garaac uun wuxuun baad
ku odhane. Faalooyinkaa waxa ila lafo-guraysay naftaydii, ku qanacday se inaan
waco, wax aan odhanayaa ha danbaysee.
Dhiiiiiidh,
Dhiidh, Dhiiiiiiiiidh..........., haddiiba uu wax yar un dhacayba waa la
qabtay, “Helloow“, “Haa Ilwaad”, “Hee; waa ayo”, “Walaal waa Cali-inankii jaamacadda
aad isku barateen. “Haa sax Cali miyaa? soo dhawoow walaalo, saw kan maaha
lambarkaagu?” haaheey walaal ee hadda kaydso ileen mar danbe ku odhan maayo waa
hebelkii halkaase, Hhhhhh...... kaftan iyo hadalo kooban kadib is nabad galyeynay.
Cajab!
Hadda imtixaan ayaan berrito gelayaa, kasii darane waa imtixaan afka ah haddana
igama qasna oo waanigaa dayaxa iyo xiddigaha daawanaya sidii oo aan Ilwaad ka dhex dheehanayo.
Sannad;
toban sanno u dhigmaayey ayaa caawa is barashadayadii laga joogaa, maanta ayaa aniga
jaamacadda iigu dambaysa laakiin Ilwaad saddex sanno oo kale ayey hayaanka
waxbarasho sii wadi doontaa. Wehelkaygii ayey tabi doontaa, waxaan u ahaa
dhiirigeliye fiican, farxad sameeye furfuran, arday iyo macalin wax kala
korodhsada inta ay wada joogaan.
Sannad
kasta dhawr dalxiis oo aanay cid nagu wehelin ayaannu galnaa, fasaxyadana waxa
aannu u balanaa in aannu gaadhi wada raacno. Boorama ilaa Hargeysa waannu isa soo
raacnaa iyadu se ilaa Sanaag ayey u sii dhaaftaa. Boorama waa magaalo aan aad u
jecelahay, waxa aan u aqaanaa baradii kalgacaylka, inaan maalin ka tago ma
jecli, fasaxu sannado ayuu ila noqdaa waana sababta aan sannad walba ardayda
uga soo horayn jiray. Jacayl aannu
jileyaal ka wada ahayn muddo dheer kadib waxa aannu go’aan ku gaadhnay guur iyo
in aannu guri islaam yagleelno.
Wakhtigu
waa hilaac ordaya oo sida giraanta intaa is gurayee, Ilwaad tacliintii u soo
dhammaatay aniguna shaqo yar oo aan sidaas u macaash buurnayn ayaan helay. Qof
hadda jaamacad ka soo baxay in uu si sahlan shaqo u helaa way adagtay, Ilwaad se
hal-abuurnimo ayay u dhalatay oo durba si fudud ayaa ay suuqa u gashay shaqana u
abuuratay. Dabeecadda oo ay aad u jecelayd awgeed sannadkii saddexaad markii ay
maraysay ayaa ay beer yar hindistay, beerta Ilwaad waxa ku taala dhir kala
duwan, ugaadh dhawr nooc ah ayaa sidoo kale lagu dhaqaaleeyaa.
Hiil iyo
hoo wixii aan ku tari karayay waan la garab is taagay, Alla mahadii hawshii wa
aay u tisqaaday. Iliiladdo yar yar oo biyo ah ayaa dhex qulqula, dhir waaweyn
oo hadhac ah ayaannu kusoo abqaalnay, ubaxyo midabo badan ayaa laamaha isa
sudhay, shimbirro codad kala duwan ku heesayaana waxay kaga gaadhan yihiin
hareeraha, lulanka ay laydhu samaynayso ee laamaha iyo jiiqda shimbiraha
geedaha saaran ayaa aad maalin oo dhan ku xasilaysaa. Dadka waxay u tahay
kaliya beer, annagu se baradii jacaylka ayaa aannu ula baxnay. Waayo waayo iyo
maanta!
Waa
subax shaqeed, waxa aan ku suganahay goobtii shaqada, jawigu aad buu u degen
yahay, daruuro is hirdiyaya ayaa cirka ku lingaxan, fadad cadaan ah ayaa dhan
kastaba kasoo kacay, dhibic roob ayaad modaa in ay waxogaa ka dib dhagagac layn
doonto, naftu socod tamashle ah ayey rabtaa. Waxaan qaatay fasax saacaddaha
kooban ee ka hadhay shaqada, waxaan toos
u abaarray beertii jacaylka, oo aan ku ogahay Alle ha daayee mataantaydii
jacaylka. Qorshahaygu waa in aannu caawa arrintii guurka oo aannu hore dhawr
goor usoo hadal qaadnay meel saarno. Ilwaad aqoon fiican ayaan u leeyahay, in
laba qof dabci ahaan isku bartaanna waanu is naqaanay, waxa ay jeceshahay iyo
waxa ay dhibsataba si fiican ayaan uga dheregsanahay.
Ma aha
qof uu hodo dhal-dhalaalka adduunku, dhalanteedkana run ma moodo, waa dhabeel
Alle tiqaan ah, dhisme jidh oo ay dhibirsami u dheertahayna Alle waa ku
galaday, dhan kasta oo aad ka eegtana waa qof naf loo huri karo oo hoy iyo lala
wadaagi karo hadhuub. Kalsooni buuxda ayaan ka haysta nafteeda, wax kasta oo
aan ula tago waxaan aaminsanay in aanay maya kasoo celinayn.
Waxaan
soo gaadhay beertii, bariido iyo boholyaw kalgacal isku qaabilnay, ujeedkii
socodkaygana u sheegay. Haye! İn ereyo diidmo ah aad maqashaa way adag tahay, waliba
in qof aad kalsooni weyn ku qabto aad ka maqashaana way kasii adagtahay. War aanad
filayn iyo falaadhiba way kaa nixiyaane, warcelinta igaga timid Ilwaad waxay noqotay mid aanan habeenna ku seexan,
subaxna kusoo toosin. Waxay waydiisay lacagta aan haysto ee aan ku rabo, waan u
sheegay wixii awoodayda ahayd, reerka aan rabo in aan yagleelana dhismihiisa
kafaynaysa. Way u cuntami wayday Ilwaad lacagtii aan u sheegay, waxay ii
sheegtay in aan ula yimaado lacag toban jeer ka badan ta aan haysto. Hore uma
rumaysan warkaa Ilwaad oo waxa aan u haystay kaftan.
Tawaawac
ay tawstu iga keentay ayaan miciin biday, waxaan la hor fadhiistay ilin, waxaan
dib ugu celiyay sheekooyinkayagii hore, uma dhaadhacsana se oo dhagba jalaq
umay siin odhaahahaygii. Waxaan weyddiiyey waxa haddii aanay jeebkayga oo ay ka
war haysay waxa kusoo dhaca ku qanacsanayn iila haasaawaysay. Si dheeldheel iyo
dhayalsi leh ayey iigu warcelisay in ay sugaysay inaan maal tabcado, dibada u
dhoofo, daarro soo dhisto, imika se nolosha aan ka sheekeynayaa rafaad uun
noqonayso oo aanay igu galayn. Habeenna in aan waddankayga ka haajiro kulama
aan kaftamine, riyadan beenta ah tolow halkay ka keentay? Diidmo qayaxan oo
adduun xumo ay aabbe u tahay ayaa aan Ilwaad kala kulmay. Aniga oo cagaha
jiidaya ayaa aan ka soo huleelay beertii jacaylka oo aan imika u aqaano
“Nabar-Jacayl”. Laba todobbaadba iyada oo aanay kasoo wareegin intii aannu
Ilwaad sii kala maqnaynba waxa usoo geed
fadhiistay ina-abtigeed oo Kanada kasoo boqoolay. Warkaa maqalkiisu urugo
iyo uur ku taalo xun ayuu igu beeray, waxaannu toos u kala irdhownay Ilwaad oo
lexejeclo markii hore iga haysay. Miyaan is lahaaba dhayal buu nin kale Ilwaad
iskaga guursan. Ciil iyo caloolyaw awoodayda ka baxsan ayaa iga oohiyay, waxaan
se nafta ku samir siiyay in qadarka Alle iyo qoraalku sidaas u dhaceen.
Ha guursato,
ha i nacdo, ha iga dal doorsato’e eesha
iyo uur ku taalada xanuunka igu reebtay ayaa wax walba igaga daran. Waxa aan
noqday rejo laawe, habeen walba waxa aan ku seexdaa in aan aroorta dhanka badda
u boqoolo si aan halkaa uga bilaabo safar geeri xun iyo nolol qurux leh mid uun
ku dhammaada. Haddana subixii marka aan indhaha kala qaado ayaan foox dabka ku
ritaa, naftana ku sabaa ma meel waddankaaga ka fiican baa jirta.
Uur
xumada ay i baday Ilwaad oo kaliya kumay
koobnaane ee waxa colaad ka dhex aloostay
aniga iyo haweenkii oo iddil. Ma aqaan goorta ay dhammaan doonto cuqdada aan
haweenka u qaaday, mana ogi cida soo afjari doonta ee Alle usoo diri.
Waxaan
ku gammaa habeenki anigoo dhagaysanaya, wehelna ka dhigta heesta uu qaado Alle
ha naxariistee Fanaankii Maxamed Mooge Liibaan ee ay ereyadeeda ka midka
ahaayeen: “Bal maxaan haweenkiyo dumar ugu hiloobaa ama kula heshiyaa, ugu hagar la’aadaa? Sowtay hilaaciyo ku tuseen
hir beennee adiga oo haraad qaba hanfi kugu aroorsheen, hiyigaaga kiciyeen.”
Aheey,
ah! aleylahe hir been ah ayey i tustay Ilwaad, markaasay iga haajirtay? Horta
ma haynta iyo adduunka ayaa la isku jeclaadaa? Haweenku se ma jacayl bay u
guursadaan mise lacag bay u guursadaan? Dee mayee jacayl. Gaw!.Haddii ay jacayl
xeeriyaan miyay Ilwaad maanta adduunyo iga door bidi lahay? Haweenka waxa aan
is idhi jacaylku waa ka afka uune, uurku lacageeyduu hayaa. Waar waxanoo hadala
maxaa i galiyay imika, Acuuddu bilaah. İska aamusayba nin ragga tawaawac looga
toolmoonne.
Qore; Nasra Cali Nuux
Qore; Nasra Cali Nuux
Sheeko qiimo leh weeyaan, waayo humaagyo qarsoon ayaad arkaysaa oo ku saabsan dhanka xidhiidhka iyo isku halayn la'aanta dumarka iyo marka aanay kuu jeedin shuruudaha ay ku soo hordhigayaan
ReplyDelete