BARBAARSAME: Hanashada iyo Hanuuninta Ubadka.


                                            

Ubadku waa hadayadda/hibada ugu qaalisan ee rabbigeen ku galado aadamaha. Waa hadayadda ugu wanaagsan ee ibnu aadamku helo nolosha ka dib. Waa hadayadda ay tahay in aynu Rabbigeen ugu mahdnaqno inagunna ku aqbalno farxad iyo rayn rayn. Eebbeheen isaga oo taas ka hadalay waa inoogu galadsheegtay oo waxa uu yidhi. Qofka uu doono waxa uu siiyaaa hablo(dheddig)ka uu doona waxa uusiyaa wiilal, ka uu doono waa iskugu daraa ka uu doonan waxa uu ka dhigaa ma dhalays mase goblin.
Ubadku waa sidii iniin carrada hoosteeda lagu aasay amase lagu riday oo ubaahan ilaalin, waraabin iyo daryeel si berrito looga helo maxasuul wanaagsan. Iniin kastaba waxa la intifaacsadaa oo maxasuul wanaagsan laga helaa haddab inta la daryeelo ee la ilaaliyo.
Ilmuhu maalinta uu dhasho ilaa inta uu yeelanayo garaad ku filan waxa uu innooga baahan yahay in aynu u noqon hage iyo hogol tusaale, haddii aynu ubadkeenna u noqon wayno jiheeyayaal u jiheeya jihada aynu rabno waxa ay helayaan dad jiheeya oo u  jiita dhanka ay rabaan.
 Qalbiga ilmuhu waa xaashi cad oo sida birlabta ugu dhagata hadba wixii loo sheego xumo iyo samo waxa ay yihiinba. Waa darbi cad oo qabsada hadba midbka lagu rinjiyeeyo. Waa canjalada qabta hadba wixii lagu duubo ayna adag tahay in dib loo tirtiraa.
Hooyo/aabbe/ walaalo amase adeero canjaladaa, bayaadkaas iyo darbigaas oo nadiif ahiba gacantaada ayey ku jiraan.  Noqo qofka ugu horeeya ee ilmihiisa jiheeya, hagga ee ku hanuuniya jidka toosan, dhabada saxda iyo dariiqa wanaagsan.
 
Sababaha ugu waaweyn ee loo guursado ayey ka mid tahay in Rabbi kugu arsaaqo ubad wanaagsan oo if  iyo  akhiiraba ku anfaca.  Ka hor ilmaahaagu inta aanu ifka iman ayaa lagaa rabaa inaad ka fikirtid nooca ilmaha ad rabatid inaad adduunka u soo hayaamisid. 

  • Qaarbadan ayaa jira oo maanta joogitankoodu ifka culays ku yahay, waxtar ay la yimaadeen iska daayo waxyeelo ayey soo kordhiyeen.  
Samayso jaantus, ka fikir nooca ilmaha aad rabtid, ma mid dhiblow ah oo dad iyo duunyab dhiba ayaad rabtaa mise mid naxariis badan oo halka uu maraba duco ka kasbada ayaad rabtaa inaad dhasho amase barbaariso?. Go’aanka adiga ayaa iska leh. Ogow laantu inta ay yar tahay ayaa la toosin karaa laakin marka ay waynaato in la jabiyo amase la gooyo ayuunbaa la awoodaa.

Cidna inooga baahi badan in aynnu helno ubad habdhaqan wanaagsan, waayo ubadka maantu waa waalidkii, madaxdii, macalimiintii iyo mustaqablkii berrito.  Ilmahu intaas aynnu  soo sheegnay mid ka ayuun buu  noqonayaa berrito. Bal suuree xaalka   macallin aan qudhiiso helin barbarin iyo tarbiyada wanaagsana  marka lagu aamin ubax ee la yidhaa wax bar oo barbaari? Sow biyo col dhaanshay maaha!. Waa side marka mid aan anshax iyo asluubta lagu barbarin, lagu ababin  xaqdhawrka dadka kale,la barin naxariista  loona sheegin in ay ceebtahay in uu qaato wax aanu lahayn laga dhigo masuul amase madaxweyne. Maxaa laga sugaa? Kii aad soo gaadh dhac, kuwa kasoo horjeedsada dil.
Bal u fiirso dhammaan hogaamiyayaasha laga qayliyey gaystayna xasuuqyadii ugu badnaa ee adduunka ka dhaca waxa aad loo dhaliilay barbaarintoodii hore. Waxa la ogaaday in yaraantoodii ay ku noolayeen nolol aad u qalafsan marnabana aanay helin cid u naxariisata iyo cid wanaaga ku barbaarisatoona.
Sida ay calooshu ceeshaka ugu baahan tahay,  maskaxeedun   hawada oksajiinta ugu baahan tahay  ayuu ubadkeenu tarbiyad iyo barbarin  wanaagsan ugu baahan yahay. Ubadkeennu waa cad lag dheegay lafah dhabarkeena iyo dheehaha sinnaha jidhkeen, waa waxa ugu qiimaha badan ee aynnu haysano haddii daryeelkooda iyo ilaalintooda inoo noqon waydo ahmiyada kowaad maxaa kale ee aynu daryeeli doonnaa?

Ubadkeenna oo aynu si waangsan u barbaarinaa waa nafteen oo aynnu u hiilinay garab istaaganay, cadowgan ka jirnay waayo berrito waa kuwa ina daryeeli doona waa kuwa in ilaalin doona waana kuwa mustaqbalka iyo aayaha u noqon doona ummaddeenna.
Ubadku maaha uun kuwa aynnu dhalanay ee aynu  hooyo iyo aabbo u nahay ee waa ilmo kasta oo agteena jooga. Waxa ay noqon karaan kuwa aynu barayaasha u  nahay waxa ay noqon karaan kuwa aynu deriska nahay, waxa ay noqon karaan kuwa la ciyaar ubadka aynnu  waalidka u nahay.waxa ay noqon karaan kuwa aad dariiqa ku aragto iyaga oo waxa xun samaynaya deetan inta aad u yeedho  si naxariisleh ula hadasho kana waaniso waxa uu samayno tustana in uu qalad yahay, kalana dardaaranto in aanay mardambe sidaas oo kale u dhaqmin.
Barbaarrinta ubadku waa masuuliyad saran qof kasta oo bulshada ka mid ah, waa xil ay tahay in aynu nafaheena kula xisaabtan oo aanay cidna inaga xisaabin. Balse waxa aad ogaataa in qof isagu barbaarsan, oo wanaaga iyo xumuhu u kala cad yihiin  soo saari karo ilmo wanaagsan ayna iska iska yar tahay waxa aynu ka sugno qof isaga qudhiisu u baahan barbarin iyo tarbiyadayn.
Hallkan waxa innooga bilaabmi doon maqaalo taxane ah oo aanu kaga hadli doono barbaarinta iyo kaalingalinta ubadka.




 1.  İlaalinta Qalbiga Carruurta.

Naxariistu waa wax aad u qiimo badan waxan ay ka mid tahay waxyaabah uu alle ummadda islaamka faray ku dhaqankeeda. Ubadka in aynnu u naxariisano, oo qalbigooda ilaalinaa waa arrin ahmiyad weyn leh.  Qalad yar oo ilmuhu gaysto in ciqaab adag loo mariyaan waa gaf  weyn oo ilmaha  laga agalay.
Caano yar oo daadatay, ayaa inta aad cadho cirkaa marto aad  u ciqaabtay ilmihii yaraa. Caanihii ma ku soo noqodeen, garaaci iyo jidhdilkii aad ilamah u gaystay dib ma so celiyeen caanihii daatay?. Garaaco mustaqablka ma ka joojin doonaa in ilmaha yari caano qubo amase uu ku dhaqmo nooc kale oo basar xumo ah?
İlaalinta maskaxada, miyirka iyo jidhka ilmuhu waa waajib. İlmah aad qalqaalinimo ku aragto marnaba ha isku dayin inaad suun iyo garaac ku edbiso, ogowna hooyo edinta dhabta ahi waa adiga oo si miyir ah ilmaaha waxa ugu sheega.

2   2.    Dhisida Garaadka İlmaha.

 Garaadku waa uu koraa waana uu kobacaa. Garaadka iyo garashad laguma  koriya oo kaliya in dugsiga la aado ee waxa lagu koriyaa qaaba kale duwan. Fiiro gaar ah u lahow ilmahaaga xilliga uu ku jiro kobaca kula daadal inaad ka caawiso waxyaabah uu xiiseeyo. Marnaba ha hor istaagin wixii uu rabo in uu barto amase uu ku riyood in uu noqodo. İlmo kastaaba waxa uu ku dhashaa isaga oo garaad badan, maskax fiican oo koraysan leh. Carruurtu waxa ay dhashaan iyaga oo ka madhan cabsida, waxa ay jecel yihiin in ay ciyaaraan iyaga oo aan ka cabsanayn waxa lagu odhan doonaa amase dadka ayaa wax kaa sheegi. Cabsidu waa gadhwadeenka guuldarrada, waa horjoogaha horumarka nafta sidaas oo ay tahay cabsida waxa carruurta ku abuuraa waa innaga. Waxa aynu ku cabsi galinaa talaabo kasta oo uu qaado innaga oo leh waad dhici, waad kufi iyo waad jabi. Waxaynu cabsida ku abuurnaa innaga oo leh waad guuldaraysani, ma qaban kartid, ma samayn kartid iyo meel ma gaadhi kartid. 
Sinaba ilamaha ha ugu odhan ereyo xun xun oo dhawaac soo gaadhsiin kara garaadkiisa iyo garashadiisa. Ha ku odhanin doqon, damiin, nacas iyo qof aan waxba qabsan karin aad tahay. U sheeg in uuu yahay fariid, qof awood leh oo wax walba qaban kara.Noqo halka uu ku soo laabto ee uu garabka iyo gaasihanka ka helo marka ay guuldarro yari soo food saarto.
Ha noqonin qof niyad jabiya awoodiisana yaraysta.
u soo gad waxyaabah uu jecelyahay in uu ku ciyaaro, una ogolow in uu helo wakhti uu ku ciyaaro, ha ka  horr istaagin haddii uu ku yidhaa waxbaan samaynaa ilaa in ay waxaasi yihiin wax khatar ah oo noloshiisa galaafan kara mooyee.
Ciyaar ah aad ku ciyaarsiinayso ha noqodaan qaar mustaqbalka ilmaha wax ka anfacaya.


3.  Kobcinta Xidhiidhka U Dhexeeya İlmaha İyo Waalidka

La sheekayso, wakhti la qaado oo la saaxiib ilmahaaga. Soomalidu waxa ay leedahay dhaqan ah in aanay carruurta  la sheekaysan, in aanay ka waraysan wixii maanta ay la soo kolmeen. Tani wax ay meesha ka saarta isku soo dhawaanshii ilmaha iyo walidkii ka dhaxaysay, waxa ay ka dhigtaa kuwo aan is xog waraysan karin. İlmuhu waxa uu samaystaa saaxibo oo sirtiisa ku kaydsado, talana ka raadsado. La sheekayso, la noqo saaxiib  taas ayaa ah qaab kugu waangsan ee aad ku ogaan karto wax kasta oo kusoo kordha nolosha ilmahaga gaar ahaan marka uu ku dhow yahay  xilliga qaangaadhka. Ogown saaxiibtinnimadu waa wax la soo dhiso yaraantee maha wax hal mar la helee.


 NB: xuquuqda sawirka koriye iskama laha. haddii ay jirto cid aan raali ka ahayni waannu ka saari doonaa.



No comments:

Post a Comment

@templatesyard

© All rights are reserved.