Nadaafaddu waa asaaska nolol caafimaad qabta . Waa tiir
ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee bed qabka Aadamaha, waa sida ugu sahlan ee aynu uga hortagi karana cudarro badan oo dilaa ah amase
ilmaha u gaysan kara dhaawac weyn oo noloshiisa inta ka hadhay daba socoda.
Nadaafaddu waxaa ay qayb libaax ka qaadataa korniinka carruurta sababta oo
ah waxay meesha ka saarta cudurro ilmah
la soo darsa kuwaas oo saamayn taban ku yeelan kara caafimaadka carruurta.
Nadaafad-darradu waxa ay dhalin kartaa cudurro badan,
waxa ay sababi kartaa dhimasho iyo waxyeelo wartaa(ilmaha oo curyaama) .
Cudurrada ay nadaafad-darradu sababto wax ka mid ah shubanka, dabaysha(Polia),
jooniska, xundhurta. IWM. Nadaafad-darradu waxa ay sahali kartaa in caloolasha
carruurta ay ku dhashaan gooryaan kuwaas caafimaad darro iyo nafaqo darro
horseeda. Cudurrada ku dhaca maqaarka qaar badan oo ka mid ah ayey iyagan nadaafad- daradu horseedaa.
Nadaafadda wanaagsan waxa ay qayb libaax ka qaadaa
koritaanka ilmaha; koritaanka jidh ahaaneed iyo kan maskaxeedaba. Markasta oo
ilmaha uu la soo darso xanuun waxa uu lumiyaa miisan, waxaana hakad gala
koritaankisii haddab si aynnu taa meesha uga saraano waa in aynu nadaafadda gaarka
ah ee ilmaha iyo ta deegaankiisa xilweyn
iska saarnaa.
1. Sidee loo daryeelo
nadaafada ilamah yar(caano-nuugga)
Hooyo isku day inaad ilaaliso nadaafadda ilmaha yare ee jiif,
ku daadal inaad markasta istcimaasha waxyaabo nadiif ah iyo inaad ka nadiifso
halka uu seexanyo iyo guud ahaan deegaanka ku xeeranba.
Xilliga gurguuradka isku day inaad ilmaha u galiso
gacmogashi(Gloves) amase sharabaado carruurta loogu talo galay xilliyad gurguuradka.
Nadiifi halka uu ku gurguurto, kan qaad dhammaan waxyaabah qashinka ah amase
aan nadiifta ahayn ee yaal guriga maxaa yeelay ilmah yari waxa uu si sahlan u
liq karaa walxo aan nadiif ahayn amase walxo caafimaadkiisa halis galin karta.sida
hadhaayada qashinka, hadhaayada walxo jajabay(eg. Quraarad)
2. Nadaafadda Afka.
Afka iyo ilku waa qaybaha ugu shaqada badan ee jidha Aadamiga.
Waa qaybo daryeel dheeraad ah u baahan, taasan waxa aad moodaa in aanay
hooyooyinkeennu aad ugu baraarugsanayn
marnaba. Sida aynu wada ognahay ilmaha yar ilko malaha marka uu dhasho, laakin
afkiisu waxa uu u baahanay nadaafad joogto ah.
Qaabka aad u nadiifin karto afka ilmaha yar.
Farahaaga saabuun ku dhaq, soona qaado tuwaal iyo weel
nadiif ah oo ay biyo nadiif ah ku jiraan. Dhinaca yar oo tuwaalka kamid ah
biyaha dhex gali deetan ka marooji. Fartaada murdisada ku duub tuwaalka deetan
afka ilmaha ku soo nadiifi.
Marka uu labada sanno iyo wixii ku dhaw gaadho u samee
caday kuna barbaari in ugu yaraan uu saddex
jeer cadaydo maalintii, sinaba ha ugu fasixin in uu seexado isaga oo aan
cadayan. Ha ciqaabin haddiiba uu ilmuhu samayn waayo wixii aad ku amartay.
3. faraxalka 2-5
Gacmuhu waa xubno aad u shaqo badan laakiin wax ay qayb
weyn ka qaataan gudbinta jeermiska ama cudur dhaliyeyaasha.
Ku barbaari kuna ababi in ilamaahagu mar kasta maydho farihiisa
gaar ahaan markasta oo musqusha/suuliga isticmaalo, ka hor inta aanu cuntada
cunin iyo cuntada ka dibba. Ku baraaruji in wax jeermiska dili kara uu ku dhaqo
gacmihiisa sida saabuun, dambas iyo waxyaalaha la halmaal ee sida sahlan meesha
uga saari kara jeermisyada. Ha arko ilmaagu adiga oo saddexdan wakhtiba dhaqay
farahaaga(ka hor suuliga iyo kadib, ka hor cunista cuntada iyo ka dib). U samee
meel aad saabuunta uu farah ku dhaqan lahaa u dhigto xasuusina haddii uu
hilmaamo. Iskuna day in aad si wanaagsan ugu sheegto adiga oo aan ciqaab iyo
cadaadistoona uga dhigayn. Mar marka qaar soo qaado sheekooyin yar yar oo
madadaalo ah oo aad ku dhiiri galinayso faraxalka. Marna ha ku ciqaabin haddiba
uu ilmuhu raaci waayo waxa aad u jidaysay waayo ciqaabto nacayb badan oo u qabo
faraxalak iyo nadaafadda ayey keeni kartaa.
4. Isticmaalka
suuliga/musqusha;
Istimaalka saxda ah ee suuliga aad ayuu muhiim ugu yahay
ilmaha iyo guud ahaan dadka guriga ku noolba.
Suuliga waa halka cudurrada ugu badan ka dhalan karaan, haddi aan ilmaha
la barin sida saxda ah ee loo adeegsadan wax ay keeni kartaa in ay ka dhashaan
cudurrada sumeeya cuntada, kuwaas marka hore inta uu jeermis yar saxarada soo
raaco haddan uu noqod afka. Waxan la yidhaa” fecal-oral contamination”. Waxaanay ku
timaad marka farro wasakhaysan lagu cuno cunto deetan jeermiskii caloosha u
gudbo sidaasan uu xanuun ku dhaliya. Halkaa kum ajoogsado’e dadka kala ee
gurigan khatar ayuu galin karaa caafimaadkooda. Si aynnu taa meesha u ga saarno
waa in aynnu si ficaan ugu tababarnaa carruurta habka uga wanaagsan ee loo adeegsado
musqusha iyo sida ugu haboon ee loo dhaqado farraha isticmaalka musqusha ka
dib.
“Hawl yar oo fudud qabo si
aad uga hortagto xanuun daran oo khatar galin kari lahaa nolosha ilmahaaga”
La soco qaybaha
dambe.........
No comments:
Post a Comment