Goblan iyo Geeri is Garabsaday.


                                     Goblan iyo Geeri is Garabsaday.






Aftarta jihoba waan eegay. Alle balankii shimbiri jiiq ma laha. Dhulku waa gamaahiir goraygu ka hadaafay. Diihaal iyo darxumo ayaa dushayda ka muuqata. kaca hadddaan is idhaa adimada ayaan dhulka la waayayaa. Ilayn geed la cuskadaana. Naftu is dhiib diyaar uma ah, kobtan in ay ka huleesho kana  jihaysato oo geerida la jihaado ayey ku dhaarsan tahay. Baad iyo biyo toona ma sidato, sahay iyo sibraarna warkooda daa. Maanka geeriba iigu qufulani.Hadaydu ha gasho ifkan aan ka huleelee halkan se yaan ku hoyan. Socodka dheer marka aad tahli waydo waa la kacaa fadhiistaa oo socot gaaban oo toban jeer la nasto ayaa la galaa. M Awooddaydu ha iska yaraatee waxa aan ku dadaalayaa in aan talaabada hoosta ka xado naftan xanuunka, daalka diihaalka iyo dhibaatada ilowsiiyo. Meesha aan marayaa waa ay jiq ah, sidii aan  ku imid garan maayo tolow miyaa la isoo aftuubtay. Gudcur magan gooyo ayaan gudayaa, haddii aan sii joogo oo aroorta waagu ii barayna Allaa garan wax uu xaalkaygu noqon doono. Ilayska lagu socodaa laakiin aniga wax iftiin ii ah qaanso celiska dabka uurkayga ka ka huray. Alle ayaa og inta aan hayaanka bilaa sahanka ah ku sii jiri doono. Ludaydii iyo laftaydiiba waa ay dhammaadeen.  Habar dugaag way iga daashay, dharwaa oo waagii aan dhererka iyo dhumucda laa dhangada aan ku waabiya wiifteeda ka caymadi jiray ayaa maanta lafahaygii feentay dhuuxaygii iyo  dheecaankaygiina muudsaday. Dhidarna kama sukeeyo Dheemantii aan dhalay ayuu dharaar cad dhinaac u eryada deetan i yidhi car juuq dheh.  Kamaan samrin, Kamana samiri doono. Ma hooyaa ilmaheeda ka samirta! Nafta waxaa ku sabayaa una sheega in aan ilmo leeyahay xoogan la igag kaxaystay. Ninka maanta xoogga is biday ee ilmahaygii oo nool sidii neef xoolaha dabada kaga dhacayna aanu shalay bakhtigayga ku soo dhici jirin waaba noloshaydee. Waayuhu waa giraan wareegta wakhtiguna wuu is gurayaa.
Guri barwaaqo ah oo gayiga  la dago oo dhan ugu nimcaysan ayaan ku barbaaray, indhahana ku kala qaaday. Gayi qurxoon xooluhuna goonyahay ka joogaan. Rag iyo haween lagu barbaariyey kalgacalka iyo muxibado ayaa daryeelkiisa iyo difaacisa diyaar u ahaa. Waan ugu bilic samaa oo aan ugu boqranaa barbaartii wakhtigaa. Nolol cusub raynayn iyo barwaaqo waarta ayaan maskaxda ku hayey. Badhaadhaha oo  aad moodaysay burcad noloshayda lagu iidaamay awgeed baahidu waxa ay tahay maanu aqoon. Nolol iyo nimco sannado badan waartay ka dib. Habeenbaa sammada nalooga soo dhacay. Arligii nalagu qabsay.  Wixii aan cuud iyo ciidan lahayn la dareersay. Warankii ugu horeey ee la soo ganay ayaa wadaadkii reerka wadnah gooyey,  halkaas ayaan ku agoontoobay afkan ku goostay. Shan carruur ah oo aan dhalay  ayaa  shan cadow la kala huleeleen. Beer hooyo waa beer hooyo. Ga’ma iyo hurdo toona iima taalo, habeenka iyo dharartu isku mid ayey ii noqodeen. Guyaal badan oo soomalhaad ah ka dib laba ka mid ah ubadkii ayaan isku keenay. Dabcan isku keenidood may ahayn wax sahlan. Wakhti ayey igu qaadatay inaan ka dhaadhiciyo inaan hooyadood ahay, isku af kuma hadalno iyagun isku af kuma hadlaan. Mid waliba kii uu awr qaadka u ahaa afkiisi iyo fikirkiisii ayaa ka dhex ololaya. Midbaa walaaltinnimada aad u jecela,  aadna iigu dhago nuglaa.  Isaga  garabkayga galay oo hawsha ila  hinjiyey,  carruurta ayuu ugu weynaa, afkiina wax badan buu  ka sii xasuusnaa. Heesaha gubaabada, hiilka iyo hawraartasanba isaga ayaa ila hareer taaganaa. Maalinta aan samro quus Eebbena naftan u shego in aan  saddexdii iga maqanaa ka rajo dhigo ayuu falaadha quusta iga gilgilaa oo garabkaygaa galaa. Goor aan booday oo guumaysigii diiday mooyi.
Waxa la gaadhay goortii aan baadigoob xoog iyo xiiniinba leh  dooni lahaa saddexdii kale. Labadii oo wada jira ayaan ka tagay. Safar dheer ayaan galay. Awlaadaa aan habeen iyo maalin ka jiifsan waayey maqnaanshahooda cid iga dheeri ma hayste duul aan darisnahay ayaa sida dameerah u rarta. Wakhtigu wuu is gurayaa wadkuna garabkayga ayuu sudhan yahay. Warwarka ugu weyn ee aan qabaa waa aniga oo aan  caruurtaa ilama Suuban isku keenin in aan  galbado. Adoonsiga qofka kaligii soo mara waxa ka dhibaato badan ka ilmahaaga ilmihiisa suga. Waa ka aan ka cararayee. Waanwaan iyo wanaag  in aan ku helo kuna baadidaya ayaa mabda ii ahayd. Cidna gargaar kama rabo oo laba garab oo aan kala laaladin ayaa goonyahayga taagan. Waxa kale oo farxad ii ah in mar haddii aan iyaga meel isku geeyey aan rajo fiican leeyahay.
Waxa aanse’ adhaxda  ka jabay afkan goostay markii labadii ay isa sii cuneen, dagaal qadhaadh oo cidiyahay la iskula tagay uu ka dhex aloosmay. Wiilka la dilay ee boqonta la jaray waa kii weynaa. Waa kii aasaaska qoyskayaga laf-dhabarta u ahaa. Goor xeedho iyo fandhaal kala dheceen ayuu warkii i soo gaadhay. Fadhi iima yaalo. Kabta ayaan soo ilada .Dhulku waa girriyaad, socodaal aan sahay lahayn ayaan soo galay. Saddexdii aan baadidoonkooda ku maqnaa waa yeelkoode bal aan labadii kale gaadho ayaan talo ku afmeeray. Dihaal iyo diif badan ayaa i helay intii aan tacabirka ku soo jiray gabbal kasta oo dhaca waxa aan ka baqayey in bahal dhexda igu cuno, calool aarna aan ka dhex heeso, ubadkaygiina cidla ku go’aan. Reerkii wiilkayga hastay markii ay garwaaqsadeen in gurigaygii gubtay oo aan socod u jihaystay ayey wiilkii yaraa sii daayeen oo reerkii uu adoonka u ahaa garkii guumaysiga ka fureen. Hooyadaa yaa halkeer kugu sugaysa ayuu  islahaa se’ waa kaa meel madhan abaaray. Diraadiraayaal ayaa maanka ugu duugay inaan dan ka lahayn, kana dal doorsaday. Arrintaa maqalkeedu waxa ay ku noqtay uur ku taalo, anigana calool xumo iyo nacayb horleh ayuu ii qaaday. Cawada ayuu goostay. Sidaas ayuuna ku galbaday.
Ayaandarraniyaa. Dacawo cir ku onkoday ayaan noqoday. Dhan walba war dhiilo ah ayaa iiga soo gaadhay. Saxare ayaan ku habaabay, gabbal baa meel xun iigu dumay. Naftu orod ma daysee waxaan soo guureyaba waxa aan soo gaadhay gurigaygii; waa kobtii aan ubadkaygii oo wada degan nabadan ku nool kagag tagay, oo bakhtiga iyo maydku tiro belay. Colbaa reerkii galay. Kaa dhacaday oo kugu dhacaday ayaa igu dhacaday. Walaltinnimo iyo wada noolaansho maalintaas ayaa iigu dambaysay. Waa la kala huleelay. Marbaan dirqi iyo aabbahay goblan isugu keenayee ma marlabaad ayaan isku keeni karaa. Awooddaydii ayaa meesha ka baxday. Cadaawaha ayaa isku kaaya kaashaday. Midba meeshii laga helo ayaa lagu cunay. Isma sheegtaan. Cadawo kale uma baahana iygaa cadow isugu filan. Sida waraabuhu hilibka ugu haliilo ayey isugu haliilan. Hantidoodii goor aan habeen ahayn maalin hayn ayaa la  dareersaday. Geeri iyo nolol la’aan ayey ku sugan yihiin. Cadow iyo cadow gargaar ayey noqodeen.
Waan itaal gabay, wakhtigaygu waa gabogabo geeriduna waa ay igu soo fooleedahay. Naftu waa ammaano goor la qaadi doonan ma aqaano se nololi iga ma sarayso. Dhimashada kama baqayo, waxase aan ka baqayaa in barri aan halkaa ku noolan jiray shaki  gali doono. Nolosha baahi uma qabo se waxa aan baahi u qabaa in ubadkaygu walaaloobaan, nabad iyo wanaagna ku wada noolaadan.
Gargaarkaagu gacantaada ayuu ku jiraa, sammo yar maanta ii fuli si aan sannado badan u noolaado!




Qore: Nasra Cali
    

No comments:

Post a Comment

@templatesyard

© All rights are reserved.