Qorsheynta qoysku waa qaab lagu xakameeyo tirada
carruurta qoyska iyo muddada u dhaxeysa dhalashadooda. Kala korinta carruurtu
waxa ay faa’iido weyn u leedahay qof kasta oo qoyska ka mid ah; Hooyada waxa ay
ka caawisaa in ay si fiican naaska u
nuujin karto ilmihii hore, wakhti fiican u heli karto barbaarinta iyo
korintiisaba. Kala korintu waxa y ilmaha
ka caawisaa in uu si fiican u jaqo
naaska, kaas oo uu ka helo difaac oo iskaga difaaci karo cudurro badan. Kala
korintuwaxa ay kordhisaa kalgacaylka ka dhexeeya hooyada ilmah. Waxa ay ka
dhigtaa ilmaha in aanu noqon mid la daycay amase aan la siin daryeel ku filan.
Ugu damayna qoshaynta qoysku waxa ay waxtar weyn u leedahay dhaqaalah qoyska iyada
oo meesha ka saarta kharashkii badanaa ee u bixi lahaa in lagu iibiyo caano
macmal si loogu kariyo ilamah yar.
Qorshaynta qoska iyo kala korinta carruurtu waa go’aan
laba dhinacle ah oo ka dhexeeya laammanaha qoysku ayna tahay in ay ka tashadaan
iyaga oo talo ka raadinay xarumaha
caafimaadka.
Haweenka da’da yare e ku jira xilliga taranka kana soo jeeda dalalka soo koraya ee raba in ay
kala fogeeyaan uurkooda badan ma
isticmaala hababka casriga ee lagaga hortago qaadista uurka mase loo adeegsado
kal korinta ubadka. Tan waxa u sabab ah adeegyadan casriga oo aan badan laga
helin xarumaha caafimaadka ee waddamada sooboola ah amase qiimaha adeegan oo ah
mid aanay awood qoysaska baankoodu.
Maqaalkan waxa aynnu
ku qaada dhigi doonaa qaababka ugu haboon ee loo samayn karo kala korinta
awlaada iyada la adeegsanayo hababka dabiiciga iyo dabiiciga ahaynba .
1. Habka;
Waa habka afka qalaad lagu yidhaa “Withdrawl”
kaas oo biyah lagu daadiya dibada farjiga
amase xubinta haweenka. Wa hab ay tahay in laga ilaaliyo in ay biyuhu ku
dhacaan farjiga gabadha. Habkani waa mid ka mid ah hababka qorshaynta qoyska
kuwiisa ugu facaweyn
2. Habka ku xisaabtanka heerkulka jidhka(Basal body temperature)
Waa hab loo yaqaano
habka jadwalka; habkani wuxu ku shaqeeyaa saadalinta amase oddoroska maalmaha ay haweenaydu is
leedahay waad heli kartaa ugxanta iyada oo ka tusaale qadanaysa isbedelada ku
dhacay heerkulka jidhkeeda.waa in ay adeegsataa aaladda yar ee lagu cabiro
heerkulak jidha waana in ay qortaa maalin walba. maalinta ay aragto in uu jiro isbedel
ku dhacay heerkulkii jidhkeeda iyada oo tixraac ka dhiganaysa heerkul taxyada
ay hore u soo samaysay. Haddiiba aad aragto heerkulkii jidhka oo kor u kaco waa
maalamaha ay u badan tahay in la soo
daayo ugxanta, ayna macaquulka tahay in ay la kulmi karto shawada(sperm).
N.B: Heerkulka jidhka wakhtiga ugu haboon ee la eegi
karaa waa subaxa hore. Marka hurdada laga soo tooso, ka hor inta aanad qaban
waxa shaqo ama hawl ah.
3. NAAS-NUUJINTA(Lactational Amenorrhea Method of birth control)
Naas-nuujintu waa hab loo adeegsado kala korinta
carruurta waxana ay qayb laxaad leh ka qaadataa qorshaynta qoyska.
Hooyada oo ilmaha si badhax tiran u nuujisaa waxa ay ka
hortagtaa in ay hooyadu hesho dhiigii caadada, mar haddii aanu jirin dhiigii
caadaduna waxa ay meesha ka saartaa fursadii qaadista uurka. Naas-nuujintu hooyada iyo Ilmahaba faa’iido
weyn ayey u leedahay . isku halayntana kala korinta carruurta iyada oo
naas-nuujinta la adeegsanyo waxa ay hoos u dhacda mar kasta oo ay hooyadu
sagsaagto naas-nuujinta iyo iyada oo ilmaha waxyaabo kale oo aan naaska ahayn
siisa.
Hababka
casriga ah ee loo adeegsado kala korinta carruurta;
Hababka casriga waxa la adeegsadaa kiniinno, irbado amase
alaado lagag hortago in ugxanta iyo shawdada amase biyaha mandi isku darsamaan,
deetan bacriminta ugxantu ay dhacado hooyaduna ay sidaa uur ku qaado.
1.
Kiniinno
isku dhafan ;
Kiniinnada isku dhafani waa Kiniinno
ka hortagga uur-qaadista waxaana caadi ahaan loo yaqaan "kiniinnada
isku dhafan" waxaa laga sameeyey dheecano macmal ah oo la mid ah kuwa
caadiga ah ee haweenka sida
progesterone, oo ay haweenku si dabiici ah uga soo saaraan ugxansidiyaasha.
Kiinnnadan isku dhafni waxa ay kahortagaan in ugxant iyo manidu ay kulmaan.
2-
Qalabka ka-hortagga uur-qaadida ee u samaysan
sida furka oo kale waa fur wareeg ah oo laga sameeyay macdanta siliconta waana
mid khafiif ah oo jilicsan waxaana la geliyaa ferjiga gabadha intaanay galmadu
dhicin. Rabadhkani waxa uu daboola afka ilmagaleenka, waxaanu ka hor istaaga in
shahwada ninku u gudubto ilmagaleenka.
3-
Cinjirka galmada ee dumarka; haddii loo
isticmaalo si sax ah, cinjirrada galmada ee dumarku waxay u shaqeeyaan 95% si
waxtar leh. Cinjirku waxa uu ilaalin karaa shahwada ninku inay ay u soo gudubto
xubinta gabadha, sidoo kale cinjirkani waxaa uu ka hortag u yahay cudurada
galmada lagu kala qaado (STIs). Had iyo jeer soo iibso kondhom la hubo tayadiisa
caafimaad gaar ahaan kuwa leh sumada (CE) ama (BSI Kitemark) oo ah kuwa ugu
tayada fiican cinjirrada dumarku isticmaalaan. Akhri oo kataxadri qaabka aad u
isticmaalayso cinjirka. Haddi kale raadso talo caafimaad oo la xidhiidh qaabka
aad u isticmaali lahayd cinjirka
4- Qalabka ka-hortagga uur-qaadidda.
(Nexplanon) waa ul caag ah oo jilicsan oo la geliyo maqaarka hoose ee gacanta
waxaana kaa caawinaya dhakhtarkaaga ama kalkaalisadaada. Waxa uu dhiiga ku sii
dayaa dheecanka Progestrone si looga hortago uurka. qalabkan waxa aad
isticmaali kartaa oo uu shaqayn karaa muddo ilaa 3 sanno ah.
5-Irbadaha ka
hortagga uurka (Depo-Provera, Sayana Press ama Noristerat) waa irbado laga soo
dheegay dheecanada haweenayda oo macmal ah waxaanay jidhka ku sii daayaan
dheecanka la yidhaa Brojastro(progestogen ) kaas oo ka ilaaliya in hooyadu uur qaado.
“Noloshu
qorshe kama maaranto, qoyskuna baahi gaaruu u qabaa”
No comments:
Post a Comment