Barbaarinta Wanaagsan


  

                                
Waa ilmo dhega adag. Waan kari wayey. Waa uu qaylo iyo qaxar badan yahay, waa cannaad, waa beenaale. Basarxumada waa uu la soo dhashay. Ma garanayo cidda uu dabeecad xumada ka raacay....
Eraydan iyo qaar kale oo badan waa kuwo aynnu maalin walba ka maqalno haweenkeena oo khaatiyaan ka taagan barbaarinta iyo edbinta ubadka. Maqaalkan hoose waxa aynu ku eegi doonaa sida ugu fiican ee loo barbaariyo ubad wanaagsan oo waalid adeec ah.
Hooyo sidee ayaad ula dhaqantaa ilmahaaga marka aad cadhaysan tahay, faraxsan tahay, markaad ciqaabayso iyo markaa aad abaalmarinaysoba?
ma ka fikirtay sida aad rabto in uu noqodo ilmaahagu, inta aad indha isku qabtay ma sawirtay ilme wanaagsan oo dad iyo duunyaba u roon? Ma waanisaa oo ma u sheekaysaa amase a la sheekaystaa  ilmaahaga?
Ma kobcisaa garaadka ilamaahaga sida aad jidhkiisaba u koriso mase ogtahay inta aad raashin siiso in leeg ama ka badan oo quudin ah ay u baahan tahay maskaxada ilmuhu?
Ilmuhu waa iniin, ogowoo inin kastaan waxa laga intifaacsaad haddaba inta  loo dadaalo ee la daryeelo. Ma maqashay qof ku yidhi saxare ayaan iniin ku aasay, inaan waraabiyo in aan daryeelana la iguma oga haddan waxa aan ka rabaa in aan ka helo maxsuul badan!
Ubadkeenna haddii aynaan dareeylin oo diinta, dadnimad iyo dabci wanaaga ku abbabin waxa hubaal ah in  akhlaaq iyo edebiba meesha ka bixi doonaan oo aynu noqon doonno dad caawan ah oo aan waxba is waydiin, lahayna qawaaniin  bulsheed kala hagta oo kala meelaysa.
Haddii aad u eegto heerka akhlaaq xumada ee bulshadeena, waxaad fiirisaa uun wadooyinka: waxa xashiish quban, waxa biyo uskag ah laamida qulqulaya, waxaa xaafad deyr iyo docba leh dhagaaxaaan hor tulaan. Dadka wadada ku dhex ganacasanay, sida aan xaywaanka  wax naxariis ah loogu hayn, sida aan qofka buka, waayeelka iyo ka taagta darantoon loogu naxariisanayn. Sida uu qofkii waalnaa u uga amaan wayey kii miyirka qabay, waxa dhagax dhacay ee dad an waxba galabsan la shiidayo.
Sida ardaygii kursigiisi iyo miiskiisi looga ilaalinayo, sida dadka oo dhammi ay sharciga u jabiyaan, kooda sharciga fuliyan loola yaabo looguna qaato in uu yahay  qof waalan oon maan iyo miyirtoon qabin, sida dadka oo dhammi ay tuugada iyo musuqmaasuqa isugu tilmaaman ee ay walib isugu garab siiyaan.
Dadku waxay ay xawaanka kaga duwan yihiin waa fikirka iyo garashada laakiin,haddii labadaa la  waayo ogow dadku xaywaanka wuu ka xagjiraa. Xaywaanada qaarbaa rabaysam oo inta kaynta laga soo qabto la rabeeya lagan dhigaa kuwo u dhaqma sida dab joogta oo kale xaga akhlaaqad iyo habdhaqankab, rabaynta xaywaanadaasi waxa ay qaadataa muddo kooban laakiin rabaynta iyo edbinta Ibnu Aadamku waa ta ugu muddada dheer tusaale fudud: maalintii aad dhalatay ilaa maanta  wax ayaa lagu barayaa, subax noolba wax baa laguu sheegay, wakhtigaaga intisii badanayd dugsi, malcaamad iyo goob waxbarasho aayaad ku qaadatay. Iyada oo rabbaynta insaanku sidaa u wakhti dheer tahay ayaa haddana u gafaf badan yahay.
Bulshadeenu waxa ya u baahan tahay in dhammaanteed loo sameeyo dhaqan celin xaga akhlaad ah, taas oo inoo sahli karta dib ula soo noqoshad edaabtii inaga ambatay amase abuurista waxyaabo in kala hagi kara. Baabuurta waxa kala haga taarfi ummaddana wax kala haga akhlaaqda, haddii ay akhlaadu meesha ka baxdana shilka/isku dhaca  dadka dhexdooda ka dhacaya ayaa badanaya.
Akhlaaqdu waa waxa  kaliya ee qiimaha u yeela nolosha,jiritaanka iyo isfahanka ummadda dhexdeeda. Ogowoo haddii ay akhlaaqadu meesha ka baxdan waxa meesha ka baxay jiritaankii ummadda. Xagga diinta marka aynu ka eegnan akhlaaqdu tiir muhiim  ayey ka tahay diinta. Oo waa kii nebigeenii suubaan lahaa “waxa la isoo diray si aan u dhammaystiro AKHLAAQDA”  Waxa inoo cadaatay qiimaha ay akhlaaqadu leedahay iyo sida muhiimka ugu tahay nolosha aadamiga’e  bal aynu is waydiino sidee ayaa loo heli karaa mujtamac akhlaaq leh, kuna dhaqma adaabta iyo anshax toosan.
Si loo helo mujtamac amase bulsho akhlaaq fiican, waa in marka hore la helaa qoys akhlaaq wanaagsan oo anshaxa suuban leh. Waa in la helaa lamaane edebsan oo iyagu akhlaaqada ku dhaqmaya ilayn qoysku waa udub dhexaadka ummaddu ka soo aasaasantaye.
Waa in ilmaha sida caanaha naaska loogu anqariyo si la mid edebta iyo akhlaaq wanaagan loogu anqariyaa oo loogu ababbiyaa. Si taas loo helana marka hore waan in la helaa waalid akhlaaq wanaagsan,  taas caksigeeda haddii la heli waayo  waalid aan iyagu ku dhaqmin edebta iyo anshax suuban ogow ilmo edebsanna la heli maayo’e. Hooyo iyo Aabe sidaa naftaad iyo ilmahaagaba u badbaadiso ku barbaari ilmaaga edebta iyo anshax wanaagsan.
Barbaarinta iyo edbinta ilmaha wanaagsani waxa ay ka bilaabantaa guriga. Haddaba akhlaaqda iyo habdhaqanka aad kaga dhaqantaan guriga ayuu ilmuhun dibada ula baxayaa oo bulshada dhexdeeda kaga dhaqmayaa. Edbinta iyo barbaarinta aad siinayso ilmuhu ha ahaato mid ku salaysan diinteena suuban.

1.      Habdhaqanka wanaagsan
 Ku barbaari ilmaaga habka ugu wanaagsan ee dadka loola dhaqmo, maxaa yeelay berrito dad ay uu dhex gali oo uu la macaanil doonaa, dadka ka sakowna waxa adkaan doonta inaad dhawr carruura hal guri  ku koriso. Haddii aan ilmaha inta uu yaryahay la barin sida ugu wanagsan ee walaalihii waalidkii iyo dadka kale ee guriga jooga loola dhaqmo waxa ay keeni kartaa in buuqa iyo iska hor imaadka gurigu bato oo xad beelo. Xasuusnow inaad ilmaha ula dhaqanto si naxariisleh, in haddii uu qalad galo aad mariso ciqaab fudud oo aan jidh dil iyo maskax dil toonta ahayn. Maankan ku hay in cafisku uu yahay kan ugu wanaagsan. Hooyo/Aabe ogow haddii aanad adigu lahayn habdhaqan iyo akhlaaq suuban inaad ilmo anshax suuban barbaarisaa waa wax aan la helayn, maxaaa yeelay awlaadu/ubadku waxa ay u dhaqmaan sida aad u dhaqanto’e uma dhaqmi doonnaana sida aad farto.

2.      Ixtiraamaka/ Is qadarinta
Ku barbaari ilmaha ixtiraamka iyo qadarinta: Ixtiraamka iyo qadarintu kaalin weyn ayey nolosha kaga jiraan. Ummadda bulshadeedu is qadarin iyo ixtiraamka badan tahay waxa  ay ka horumarsan tahay bulshooyinka aan is qadarin amase is ixtiraamin, qoys kasta oo dhexdooda qadarin iyo is ixtiraam ka jiraana waa ka horeeya oo ka qiimo badan yahay qoyska aanay xubnihiisu is ixtiraamin. Sida uu inoo sheegay nebigeeni suubanaa(SCW) isaga oo leh “ Ummaddayada ka mid maha ka aan u naxariisan kooda yar, ixtiraamina kooda weyn”. Ixtiraamka iyo is qadarintu qiimaha ay leedahay halkan ayeynu is fiican uga dheehan karnaa. Sidaa darteed in ubadkeenna aynu ku barbaarin “IXTIRAAMKA iyo QADARINTA” waa biyo kama dhibcaan, taas oo badbaado u noqon karta waaritaanka qoysaskeena iyo ummadeenaba.  Hana moogaan waalid ilmahagu ma samayn doono waxa aad u sheegto’e waxa uu u dhaqmi doonaa sida uu kaa arko adiga oo u dhaqmay sidaa darteed ha moogan in gurigaaga aad ka dhigto meel ixtiraamka iyo is qadarinta lagaga dhaqmo.
3.      Sheegista Beenta
Beentu waa shay aad u xun oo dembi ah. Haddab su’aashy waxa at tahay waalid sidee ayeynu u barbarin karnaa  ilmo runlow ah mase ka dheer sheegista beenta ?
Fikirkaagu waa muhiim
 LA SOCO QAYBTA DAMBE.

Nasra Cali Nuux


No comments:

Post a Comment

@templatesyard

© All rights are reserved.