“Ilamahayga wax kasta waan siyaa, haddan kuma arko waxa koritaan ahe tolow
maxaa sababay?
Qormadeen maants waxa aynu is dultaagi doonnaa amase gorfayn doonnaa waxuu yahay ma kore amase korniink ilmaha oo xumaada, waxayaabaha sabab iyo sida fudud ee haddi ay xaaladaassi
dhacado sida loola tacaalo meesha looga saaro.
Ma kore waa ilmo ama cunug kasta oo ku guuldaraysta in uu helo karoniin xagga
miisaanka(culayska), dhererka, wareega madaxa iyo maskaxda(caqliga ah) ah. Ubadka
aan helin korniin ku filani waxa had iyo
jeer laga dayriyaa bedqabkooda caafimaad iyo maskaxeed waxaan ay aad uga hooseeyan kornoonka
carrurta ay isku faca yihiiin.
cilmi baadhayaal iyo dhakhaatir badan oo dhanka nafaqada ku xeel
dheeri waxa ay korniin xumada ku qeexeen
sidatan” Ma kore waa ilmo yar ama cunug yar oo ku guuldaraystay in uu helo
miisaan, kuna koro xawaaraha caadiga ah ee carruurta da’adiisa ah taasoo ay
keento in aanu quudan intii ku haboonayd ee tamar amase kolari ahayd(Calorie).
Si kasta oo ay tahay korid xumadu waxa
ay salka ku haysaa ilmaha oo cunto nafaqo leh oo ku filan aan lagu quudin gaar
ahaan inta uu yar yahay.
Korniin xumada ilmuhu khataro badan oo hor leh ayey gadhwadeen ka
noqon karta sida : ilmah oo noqda bukaan socod, dib u dhacyo ku yimaad
qaangaadhka ,korniinka habdhiska lafaha iyo habdhisyo badan oo kale,
korniin xumad waxa sidoo kale ay saamayn weyn ku yaaltaa koritaanka maskaxda
iyo sida uu ilmuhu u fikiro, waxbarashadiisa iyo dhamaan habdhaqanadiisa kale ee bulshada dhexdeeda.
waxajira arrimo dhawr ah oo sahli kara in ay ilmah korniin xumo ku dhacado
sida:
·
Dhibaato xagga cuno
quudashad ah; afka oo ay xanuuno kaga dhacaan ama dhamaan xubnaha habdhiska dheefxiishadka
ku shaqad leh oo buka
·
xidhiidhka ilmaha iyo
hooyad oo liita , dhibaato xaga qoyska ah, fakhri ama caydhnnimo iyo dayaacad
ama ilmaha oo la dayriyo .
korniin xumada amase nafaqodarad soo waajahada caano-nuugu(xiliga
naasnuujinta) waa mid badanaa la ogaado saddexda sanne ee ugu horeya noloshiisa
markaas oo haddii lala tacaalo waxa la
qaban karo.
Guud ahaan korniin xumada ubadka wax loo qaybiyaa dhawr qaybood oo kal ah
sidatan
·
Korniinda xumo
dabiici ah (organic)
·
Korniinda xumo aan
dabiici ahayn(Inorganic)
·
Labadooda oo wada
jira(combined)
Korniin xumada dabiiciga ahi waa ta ay keenana cudurrada heleela ilmah
intuu korayo amase yar yahay gaar ahaan cudurada hiddah ah ama la kala dhaxlo, halka
ta aan dabiiciga ahayn ay keento quudaasho xumo, dhaqaalah qoyska oo hooseeya
iyo ilmaha oo aan helin waalidnimo fiican ama sababo deegaan oo kal duwan.
Labadooda oo wadajiraa waa ,marka ay ma koraanimada xumada dabiiciga ha iyo tan aan dabiiciga ahyni is
raacan. si kasta ha ahaato’e in ilmuhu kori waayaa mar walba waxa ay xidhiidh
la la leedahay nafaqodaro ku dhacaday ilamah taas oo ay keeni karto quudhasho
xumo ama ilmaha oo lagu quudiyey cunto aan lahayn nafaqo sar ku go’an oo kuna salaysan baahidiisa jidheed.
Korniin xumada guud ahan wax loo qaybiyaa saddex qaybood kuwaas oo ay u
kala saartay haa’ayda caafimaadka adduunku(WHO) waxan ay kal yihiin sidan:
1. Dhererka ilmaha oo gaaban marka da’adiisa loo fiiryo( dhererkiisa iyo
da’adiisa oon is lahayn)
2. Miisaanka ilmah oo ka hooseeya ilmah oo ka hoosay dhererkiisa(dherer iyo
miisaan aan isku sar go’nayn)
3. Miisanka ilmah oo hooseeya marka da’adiisa loo eego(Miisaan iyo da’ aan is
lahayn, hagaas)
Korniin xumada dhacad xiliga uu ilmuhu yar yahay ama caano-nuuga yahay waa
mid cawaaqibteeda la dareemi karo marka uu ilmuhu raad qaado ama guud ahaan
noloshiisa dambeba. Sidii aynu kor kusoo xusanay korniin xumadu wax ay salka ku
haysaa nafaqadaro in kasta oo ay jiran cudurro dhawr ah oo keeni kara korniin
xumada haddan ta ugu xumi waa nafaqodaro ku dhacad ilmaha.
Carruurta qaar waxa korniin xumada ugu wacan cudurrada dabada dheer(chronic
diseases) kuwaas oo haya sannado badan, waxa la isku raacsan yahay in cuduradan
aan laga bogsanin aya joojiyaan korniinka ilmaha; cuduradan sida
aydhiska(Aids), madax oo ay biyo galaan(madax weynaad) , xanuunada wadnaha.
Curyaanimo xagga jidha ak sida faruurta, dhanxarag oo faruuran.Korniin xumadu
waxa iyaduna saamayn aad u weyn ku leh waalidka, haddii ilmaha la siiyo cunto nafaqo leh, cudurna ka
bad qabo haseyeeshee aanu helin waalid si wanaagsan ula dhaqma oo ilaaliya
dareenkiisa maskaxeeda iyaduna waxa ay ka mid noqonaysaa wax yaabah keen
korniin xumada.
Calaamaddaha/Astaamah carruurta ay ku dhacado korniin xumada aan dabiciga ahayni
Astaamaha xagga
muuqaalka ah(jidhka)
Aad ayey u yar yihiin jidh ahaan, waan ay dhuuban yihiin, waxa ay leeyihiin
jidh la dhuray(wasted body), gacmo iyo lugo dhuudhuuban, calool weyn,timaha oo
daata iyo indho hostooda oo madoow yeelata.
Waxa kale oo lagu arki karaa qaar ka mid ah astaamahan:
Cunto xumo soo joogto ah iyo matag
Ilmaha oo diida in uu cuntada calaliyo iyo in uu liqaba
Shuban,duray/hargab iyo caabuq
joogto ah(infection)
Dib u dhac xagga maskaxda ah
Ilmaha oo hore u socon waaya( dib u dhaca xagga dhaqaaqa ilmaha ah)
Ilmaha oo aan luuqada hore u baran amase dib u dhaca ku yimaaad barashada
afka.
Habdhaqanka
Ilmaha oo mar kasta murugaysan ama aan faraxsanayna, isaga oo aan dadka soo
dhexgalin iyo xidhiidhka ilmah iyo waalidkii amase ilmah iyo walaalihii ka
dhexeeya oo mar kasta aad u hooseeya. Ilmaha oo markasta kala daadsanaan iyo daal ka muuqdo
·
Farxada oo ku yar ama
isaga o marmar iyo dhif qosala/dhoolacadeeya
·
Oohin badan
·
Degaansho la’aan
joogto ah
·
Ilmaha oo wax kasta
ka cadhoodha ama coon noqda
·
Baqasho baahsan ama
qalo
·
Hurdo xumo
·
Qoodasha xumo
Korniin xumada aan dabiiciga ahayn wax badanaa loo adeegsadaa carruurta ay
korniin xumadooda sababtay arrimo nafsadeed(psychological) kuwaas oo ay kal kulmaan
qoysaskood, bulshada ay ku dhexnool yihiin iyo hadba cida gacanta ku haysa, si
kooban waa kornin xumada dhacad ee aanay
sababin caafimaad daro ama quudasho xumo.
Korniin xumada noocan ah waxa sabab qofka ilmaha gacan ku haya oo aan siin
daryeel ku ku filan iyo ilmaha oo la kulma dayacaad badan. Waalidiinta amase
cidda kale ee ilmaha gacanta ku haya haddi aanay ahayn kuwo caafimaad qaba ,
xaladooda dhaqan dhaqaalan aanay ahayn
mid fiican waxa ay ilamah ka dhig kartaa mid aan korin.
Inkasta oo guud ahaan waalidkuba uu
saamayn aad u balaadhan ku leeyahay koriinka ilmaha haddan hooyadu waxa ay ku
leedahay qayb libaax oo marnaba aanay jirin cid la barbar dhigi karaa.
Cilmi baadhis badan oo la sameyey rubuc qarnigii u dambeyey waxa ay
iftiimiyeen in aabuhuna saamayn ku leeyahaya korninka ilmaha, haseyeesha ilaa
hadda macluumad yar oo kooban ayaa laga og yahay nooca ay saamayntaasi tahay. In badan oo carruurta ay asiibtay korniin xumada aan dabiiciga ahayni waxa lagu arkaa calaamadahan :- firfircoonidaro,
dabeecad xumo,amateed xumo(quudasho xumo) iyo in aanay awoodin in ay dhex
galaan deegankooda. Carruurta waxa ay
nacayb kala kulmaan waalidiintood ama macalimiintooda iyo guud aahan
deegaankoodaba.
Quudasho xumo ama nafaqo-yarida sababata korniin xumada . Dhabahaantii ma odhan
karno guud carruurta lagu arko quudasha xumadu waxa ay leeyihiin dhibaatooyin caafimaad kuwaas
oo qayb ka ah korniin xumada soo wajahda ubadkaa. Waxa iyadun muhiim ah
in maanka lagu hayo in carruurta qaar ku
noolyihiin guryo isku raran ah halkaas oo ka jiro buuq badan aanay haba yartee ka helin daryeel fiican.
Waalidiinta intood badan aqoon uma laha quudinta ku haboon Ilmaha gaar ahaan
xiliga ababka.
Hobbo and Hanks (1996) waxa ay xuseen nafaqodarada carruurtan ay tahay
iyaga oo aan cunin cunto ku filan lana qabsaday gaajada, wax kale oo ay
sheegeen in carruurtan aanay muujin waxa buuqa marka ay baahi/gaajo hayso.”uma
ooyaan in ay ka cabanayaan gaajo, had iyo jeer waa kuwo kal daadsan oo aan ciysaarin
farxadun aya aad ugu yar tahay .
Habbabka loola
tacaalo korniin xumada
Korniin xumadu maah cudur ee waa dhibaato ay keento ha lama laba saboob oo is biirsada sida nafaqodaro ku
dhacada ilmah xiliga kornoonka iyo daayacaad amase xanuun soo waajaha ilmaha.
si aynu xal uga helno korniin xumada waa in aynu meesha ka saran asbaabtakeenta
keenta .
Xanuunka : waa in aynu xaaladda ilmaha la soconaa, aynu kana dawaynaa
xanuunnada,iskuna daynaa in aynu xanuunnada tacaalno inta ay wax ka qabshada
leeyihiin. Waa in aan la moogan talaalida carruurta kuwaas oo ka hortag fiican
uga noqon kara cudurro badan ooh or leh.
Nafaqodarada: ilmaha waa in loogu
dadaal siinta cunto nafaqoleh. Cuntada nafaqada lihi waxaya ka bilaabmaysaa
siinta naaska oo badhaxtiran ilaa uu ilmuhu ka gaadhayo 6 (lix) bilood markaas ay
tahay hooyadu in ay u bilowdo siinta cuntooyin ilamaha korniinkiisa iyo
badqabkiisa qayb ka qaadanay. Xiligani waa xiliga uu ilmuhu ababayo ee ay tahay
in la siiyo cunto nafaqoleh oo dheelitiran kana kooban dhamaan noocayda cuntada
sida Faytamiino, borotiin, karboohaydrayt iyo duxo kuwaas oo laga helo illo
kala duwan oo ay ugu muhiimsan yihiin :Khudrada,hilibka, kalluunka, caanaha iyo
midhaha kale ee qalaln sida lawska iyo kuwa la halmaala. Xiligan ababinta waa
wakhti aad ugu muhiim nolosha ilmaha waan wakthtiga uu la qabsan karo
quudashada saxda ha, ogsonowna haddi uu ilmuhu ababiwaayi xiligan wa ay
adkaanaysaa in hadhow laga daaweeyo amteed xumada ama quudasho yaraanta.
Daryeelka iyo la dhaqanka ilmah.
Daryeel iyo in ilmaha oo lagu koriyo
kalgacayl waxa ay wax badan saamayn ku yeelataa korniinkiisa jidheed iyo ka
maskaxeeda. Ilmaha si wanaagsan loo daryeel waxa kuu noqdaa ilmo had iyo jeer
maskax furan oo faraxsan, kaga horeeya aqoonta kan la dayacay een helin
daryeelka fiiican. Waalidku waa in uu ku dadaalan in aan dhaawac u gaysan
ilmihiisa, dhaawac jidheed iyo mid maskaxeeda(physical and mental abuse), waa
in waalidku u sameeya wakhti uu la ciyaaro amase
ciyaarsiiyo, waa in aanu hadlo xun xun ku odhan marka uu wax qaldan sameeyo.
Waa in aan lmaha lagu xad gudbin haddi uu qald gaystanaan lagu
degdeginciqaabtiisa. Ogowna ilamahaag waxa aad u tahay xiddig uu ku daydo ee
marka hore adigu hadhaqankaaga wanaaji hooyo/aabe.
Allow koriyoo ubadka noo kori,kuwo wanaagsan oo kaalin gala nooga yeel.
mahdsanid
ReplyDeleteMasha allah... ilaah haku barakeeyo
ReplyDelete