Caanaha naasku waa hadyada koowaad ee alle (SWL) ugu
deeqay ilmaha, waa quudka ugu horeeya ee ay tahay in la siiyo
ilmaha faa’iidooyin badan ee ku jira dartood.
Caanaha naasku waxa laga helaa maadooyin badan oo muhiim
u ha koritaanka jidheed iyo kan maskaxeed ee ilmaha yar. Caanaha naasku waa ay
kala duduwan yihiin iyada oo saamayso hadba inta ay hooyadu umulan tahay.
Dambarka: Dambarku
waa caanaha koowaad ee uu ilmuhu jaqo. Muddada dambarku waa 7 cisho, waxan ay ka
kooban yihiin brotriin badan, duxduna waa ay ku yar tahay. Damabarka waxa kale
oo ku jira unug difaac ah oo ay hooyadu u gudbiso cunuga yar maadaama oo aanu
qaabdhiska difaaciisi aan si fiican u shaqaynayn
Caanaha dambarka ka dambeeya: Caanaha dambarka ka
dambeeyaa waxa ay ka bilaabmaan maalinta 1-20, sidoo kale caanahan waxa la
yidhaa caanaha ku meel gaadhka ah. Caanahana ka dib waxa bilaabma caanihii caadiga ahaa, kuwaas oo
soo dayntoodu ka bilaabanto maalinta 20aad. Xaddiga tamar ah ee ku jirta
caanahan waxa lagu qiyaas inta u dhaxaysa 270-315kj oo tamar, xaddigan badan ee
tamar ahna waxa sameeya duxda badan ee caanah ku jirta.
Maadooyinka(Waxyaabaha) Laga Helo Caanaha Naaska
Brotiin(protein) oo ah 75% oo iyo Amiino asiidhs(amino
acids).
Duxo, gaar ahaan duxaha aan ribanayn(polyunsaturated
fats) kuwaas oo faa’iidooyin aad u muhiim ah u leh dhalaanka. karboohydarayt(
Carbohydrate), gaar ahaan nooca loo yaqaano laaktows(lactose) ee caanaha laga helo. waxa kale oo laga helaa macdanno kala duwan, fitamiin iyo dhammaan waxyaabaha uu
u ilmaha yari u baahan yahay.
Faa’iidooyinka
Caanaha Naasku U Leeyihiin Ilmaha
Ilmaha oo lix bilood la siiyo caanaha naaska oo badhax
tirani, waxa ay ilmaha iyo hooyadaba u
leedahay faa’iidooyin badan. Caanahu waxa ay ilmaha ka ilaaliyaan in uu ku
dhaco caabuq calooleed(gastrointestinal infection), waxa ay hoos u dhigaan
dhimashad soo wajahda carruur yar yar, gaar ahaan dhimashada uu sababo shubanka iyo cudurrada kale ee la halmaala.
Caanaha naasuku waa il nafaqeedka iyo tamareedka ugu muhiimsan ee ilmaha yare ee
da’diiso u dhexayso 3-23 bilood. xiligan
ilmaha yari waxa uu tamarta iyo nafaqada ugu badan ka helaa caanah naaska gaar ahaan
wakhtiga uu xanuunku jiro. Caanaha naasku waxa kale oo ay ka hortagaan
nafaqadarad ku dhacada carruurta iyo cayilaada amase baruurta xad dhaafka ah (obese)
Caanaha naasku waxa ay kor u qaadan garaadka iyo garashad
ilmaha, waxa ayna ka dhigaaan mid heerkiisa garasho ka sareeyo ilmaha da’diisa
ah ee aan la naas nuujin.
Cudurrada ay ka
hortaan caanaha naasku:
·
Waxa la isku raacsan yahay in caanaha naasku
ay ka hortagaan cudurro badan sida;
·
Durayga /Hargabka: waxa la rumaysan
yahay in 65% carruurta la naasnuujiyey aanu haleelin hargabku iyo qanjo xanuunku toona,
haddii uu haleelna hargabka/qanjo xanuunka ay caanaha naasku ka caawiyaan sidii
uu isaga difaaci lahaa xanuunka.
· Caabuqyada ku dhaca habdhiska
neefsashada(Respiratory infections). Caanah naasku waxa ay hoos u dhigaan
caabuqa ku dhaca habdhisakan, waxa kale oo ay yareeyaan xasaasiyad iyo
elerjiga(xasaasiyada).
Waxa la ogsoon yahay in caanaha naasku hooyada u leeyihiin faa’iidooyin dhawr ah oo
ay ka mid yihiin:-
Naas nuujintu waxa
ay ka hortag fiican u noqotaa in aanay hooyaad ku dhicin cudarrada kanserka gaar ahaan kuwa
ku dhaca ilmo galeenka. Naasnuujintu wa hab loo isticmaalo kala korinta ubadka,
taas oo hooyada siisaa wakhti ay kaga soo kabto uurkii iyo dhalmaadii hore.
Waxa kale oo qayb laxaadleh ka qaataa dekhliga guriga
maadama oo aanay jirin caanoboodhe la soo iibinayaa. waxa kale oo iyana meesha
ka baxa kharashka daawaynta lagu daawayn lahaa, maadama oo ay naas nuujintu
yarayso fursada uu ilmaha cudur ku asiibi/haleeli karo.
Naasnuujintu waxa ay hoos u dhigtaa isku buuq(stress)ku
dhaca hooyada. Xilliga naas nuujinta waxa kor u kaca dheecaanka la yidhaa
oksitosin(oxytocin) taas oo la rumaysan yahay in ay hoos u dhigto isku buuqa
iyo murugada.
Guud aana naas nuujintu waxa ay qayb laxaad leh ka
qaadataa korniinka iyo bedqabka ilamah, waxaa ay caawisaa nolos hooyada iyo
guud aahaan qoyskaba.Dhanka kale naasnuujintu waa waajib saaraan hooyad iyo xaq
uu ilmuhu leeyeehay. Waxaan waajib ah in ay hooyadu naasnuujiso ilamaheed
haddii aanay jiro sababo meesha ka saaraya naasnuujinta.
No comments:
Post a Comment